Liverpool Iyo Burnley Oo Is Mari Waayay

Adkaysiga difaaca birta ah ee naadiga Burnley ayaa waxba kama jiraan ka dhigay kubadd haysashadii badnayd ee Liverpool kulankii u horeeyey ee weeraryahan Philippe Coutinho kooxda koobaad ee dhar casta.

35 jeer oo ay Liverpool isku dayday inay gool ku dhaliso ayaanay marna suurto gal u noqon inay goolwadaha daba mariyaan kubadda, waxaanay ahayd kooxda Burnley tii ciyaarta hogaanka ugu qabatay kubad uu shabaqa ku shubay Arfield daqiiqadii 27 aad ee qaybta hore.


Mohamed Salah ayaa laakiin saddex daqiiqo kadib ka soo celiyey goolkaas oo kubadda daba mariyey goolwade Nick Pope, laakiin kooxda martida loo ahaa, waxay ku guuldaraysatay inay raaciyaan goolka guusha saddexda dhibcood.

Ciyaaryahanka bedelka ciyaarta ku soo galay ee Dominic Solanke kubadii uu birta ku dhuftay ayaa ahayd goolkii ugu dhawaa ee Liver soo maray, halka Burnley ay ku naaloonayso, maalin raaxo oo kale oo ay garoonkeeda mid dibada ka ah ku gaadho kadib guushii ay ka heshay Chelsea ciyaartoodii furitaanka, barbar dhacna la soo gashay Tottenham.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Paulinho Oo La Baxsaday Barca Una Horseeday Guushii Afraad Oo Xidhiidh Ah

Liverpool Oo Ku Khal-khashay Burnley

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com