3:16 pm - Saturday January 20, 3962

Liverpool Vs Man United: Pele Oo Sii Dhex Fadhiistay Garoonka Anfield Si Uu Ciyaarta U Daawado

299 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Liverpool Vs Man United: Pele Oo Sii Dhex Fadhiistay Garoonka Anfield Si Uu Ciyaarta U Daawado

Pele

Labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester United ayaa galabta isku haleeli doona ciyaar aad loo sugayo oo ka tirsan horyaalka Premier League oo maraya ciyaarihii 30aad, taas oo ka dhici doonta garoonka Anfield.

Ciyaartan oo bilaabmi doonta 4:30 galabnimo ee wakhtiga bariga Afrika, ayaa waxa daawasheeda xilli-horeba la sii shaaciyey in uu diyaar ugu ahaan doono garoonka xiddigii weynaa ee reer Brazil ee Pele kaas oo ay kooxda Liverpool ku marti qaadday in uu ciyaartaas daawasheeda u yimaado dalka Ingiriiska isaga oo ka soo duulay Brazil.

Liverpool iyo Manchester United oo ku dagaalammaya booska kaalinta afraad ayaa waxa aad loo saadaalinayaa in kooxda badisaa ay sannadkan si rasmi ah ugu fadhiisan doonto kaalinta 4aad isla markaana ay ka qayb geli doonto tartanka Champions League halka kooxda laga guuleystaana ay iska illoobi doonto in hunguri ka qabto ka qaybgalka Champions League ee sannadka dambe.

Manchester United ayaa hadda fadhida kaalinta 4aad, waxaanay leedahay 56 dhibcood, Liverpool oo ku jirta kaalinta 5aadna waxay leedahay 54 dhibcood. Haddii ay Manchester United badiso waxay Liverpool ka horreyn doontaa 5 dhibcood oo saafi ah, haddiise ay Liverpool oo garoonkeeda ku ciyaaraysaa guuleysato waxay ka sare mari doontaa hal dhibic.

Shaxda la filayo in ay ku ciyaaraan:

Liverpool: Waxay u badan tahay in uu tababaraha Liverpool kooxdiisa u habayn doono qaab ciyaareedka 3-4-3 (Saddex difaac ah, afar dhex ah iyo saddex weerar ah).

Manchester United: tababare Van Gaal ayaa ku ciyaari doona shax ka kooban 4-2-3-1 (Afar difaac ah, laba dhex dambe ah, saddex dhex hore ah iyo hal weeraryahan).

Ballanqaadka www.cadalool.com

Shabakadda www.cadalool.com waxay idiin ballan qaadaysaa in aad si toos ah uga daawan kartaan ciyaarta dhex maraysa Liverpool v Manchester United oo bilaabmi doonta 4:30 galabnimo wakhtiga bariga Afrika.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xummada El Clasico: Diyaar Garowga Daawashada Barca V Real Oo Gellin Horeba Loo Diyaar Garoobay

Does CRISTIANO RONALDO Converts to Islam? – CR7 Miyuu Islaamay?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com