1:33 pm - Wednesday June 28, 2017

Liverpool VS Manchester City, kulan lagu kala ogaan doono cida noqoneysa horyaalka Ingiriiska

Khadar Dirir

Waxaa  kulmaya kooxaha Liverpool iyo Manchester City kulan adag oo ka dhacaya galabta goonka Anfield, kana tirsan wareega 34-aad ee horyaalka Premier League, kulankan waxaa lagu ogaan doonaa kooxda qaadeysa horyaalka sannadkan.

Liverpool waa kooxda hogaanka u heysa horyaalka xiligaan 74-dhibcood ayeyna leedahay, halka Man City 70-dhibcood la fadhido booska saddexaad welow2-kulan u dhiman yihiin, kooxda badisa galab waxey talaabo muhiima u qaadeysaa hanashada horyaalka.

Kabtan Seven Gerard waxa uu tilmaamay “Hadii koobku ku xidhnaa lahaa guusha Man City” waxaan dhihi lahaa waan qaadeynaa, laakiin  guusha maanta waa saddex dhibcood kaliya, afar kulan oo kale ayaa na sugeysa.

Liverpool waxay galabta soo galaysaa  garoonka iyagoo raadinaya guushii 9-aad oo isku xigta, aad ayaana niyadoodu u sareysaa, dhanka kale Man City waa koox aad u dhisan waxaana u soo laabtay weerar yahankooxda Sergio Aguero, ugu yaraan kulanka galabta waxey doonayaan barbaro ama badis.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Luis Suarez oo wacad ku maray in Liverpool ku guuleysaneyso horyaalka Premier Lerague

Liverpool Oo Calashatay City Kuna Dhawaatay Hanashada Horyaalka Ingiriiska

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: