11:44 pm - Monday May 29, 2017

Liverpool Oo Dhaafi Kari Weyday Plymouth

Abdiwahab Ahmed

Kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Liverpool ayaa barbar dhac goolal la’aan ah la gashay naadiga yar ee Plymouth oo ka ciyaara heerka saddexaad ee waddanka Ingiriiska oo loo yaqaano League two, kaas oo ay isku haleeleen ciyaar ka tirsan wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup.

Liverpool oo fadhiisisay dhamaan xiddigaheeda u ciyaara horyaalka Premier League ayaa samaysay fursado ay goolal ku dhalin karaysay, laakiin goolhayaha iyo difaaca adag ee Plymouth ayaa ka diiday inay shabaqooda gasho.

Tababare Klopp ayaa ciyaarta soo geliyey qaybtii dambe saddexda ciyaartoy ee Lallana, Firmino iyo Sturridge, kuwaas oo gaadhi kari waayey shabaqa Plymouth.

Labadan kooxood ayaa ku kulmi doona ciyaar labaad oo midkood kusoo bixi doono, iyadoo ay u dheer tahay in kooxda soo baxdaa ay sii ogtahay naadiga sugaya ee ay ku dhici doono, maadaama isku aadka wareegga afraad ee FA Cup la samaynayo Isniinta.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Chelsea Oo Go’aamisay Inay Dib Ula Soo Noqoto Ake

Chelsea Oo Ku Tumatay Peterborough Wallow Terry Casaan Laga Siiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com