Liverpool Oo Macasalaamaysay Sunderland Balse Ku Weyday Coutinho

LIVERPOOL, ENGLAND - NOVEMBER 26: Divock Origi (2nd R) of Liverpool celebrates scoring the opening goal with his team mates during the Premier League match between Liverpool and Sunderland at Anfield on November 26, 2016 in Liverpool, England. (Photo by Clive Brunskill/Getty Images)

Kooxda Liverpool ayaa sii kordhisay kulamada aan dhinaceeda dhulka la dhigin horyaalka Premier League kana dhigtay 11 ciyaarood kadib markii ay dhulka jiiday kooxda Sunderland – laakiin wajahaysa wakhti adag oo ay ku ciyaari doonto bilaa Philippe Coutinho kaas oo garoonka dhexdeeda bareele lagaga dhex qaaday.

liverpool-oo-ku-tumatay-sunderland

Xiddiga reer Brazil ayaa kuraanta dhaawac ka soo gaadhay mar ay kubbada ku dagaalameen Didier Ndong dhamaadka qaybtii hore ee ciyaarta, markaas oo ay Liverpool ku guuldaraysatay inay ka faa’iidaysato kubbad haysasho 80% ah oo ay ku maamulaysay ciyaarta.

Sunderland marar dhawr ah oo aan sidaas u badnayn ayay labada qaybood ee ciyaarta mid kasta goolka kooxda ka soo horjeeda weeraro ku ekaysay laakiin umay suurto galin inay inay wax gool ah ku dhaliyaan.

Halka kooxda tabbobare Jurgen Klopp qaybtii dambe ay cadaadiska ka sii wadeen, waxaanu ahaa bedelkii Coutinho, Divock Origi, kii shabaqa ku xareeyey goolka furitaanku.
Milner ayaa goolka labaad rigoodhe ugu saxeexay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Aguero Oo Guul U Horseeday Man City

Real Madrid Oo 7 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com