3:16 pm - Sunday January 20, 7337

Louis van Gaal: “Ciyaarta Oo Aan Bilaabmin Ayaan Gartay In Manchester Laga Badinayo”

292 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Louis van Gaal: “Ciyaarta Oo Aan Bilaabmin Ayaan Gartay In Manchester Laga Badinayo”

Tababare Louis van Gaal ayaa ku eedeeyey ciyaartooyada Manchester United in aanay diyaar u ahayn in ay biyaan kulankii Everton ay ku bahdishay ee lagu garaacay 3-0.

Saddex gool oo ay dhaliyeen James McCarthy, John Stones iyo Kevin Mirallas oo beddel ku soo galay ayaa kala daadiyey Manchester United waxaanay shabaqa Goolhaye De Gea gaadh-hayaha ka ahaa ay ku shubeen saddex kubbadood, waxaanay ciyaartooyada lacagta badan la geliyey ee Manchester United ay ay garoonka ka baxeen iyagoo ceebaysan.

Van Gaal ayaa qirtay in daawashada ciyaartaasi ay walaac weyn ku abuurtay, isal markaana ay cabsidaas la gaqabaan gacan-yareyaashiisa Rayan Giggs iyo Albert Stuiverbeg, kuwaas oo iyaguna walaac ka muujiyey tayada kooxdooda.

Premier League

“Marka aad wakhti badan kubadda haysato, marar aad luminayso ayaa jirta, kadibna waad soo ceshanaysaa adigoo xeel-dheeridaada adeegsanaya. Laakiinse marka gool lagaa dhaliyo afar daqiiqadood ciyaarta oo socotay, saddex dagaalna aad ku guuleysato, taas ayaa tusaale ah.

“Markii u horreysay waxaan arkay dhiiranaantayada, firfircoonidayada iyo hujuumkayuba in aanay sarraynin marka la barbar dhigo kooxdiisa naga soo horjeeday, waana sababtaas ta aanu u guul-darraysanay.” Sidaas ayuu yidhi Van Gaal.

“Mar hore ayaan ka dareemay saaxiibbadayda, Ryan iyo Alberto in dareenkaas ay qabaan wakhtigii iskululaynta ee diyaar garowga ciyaarta, umanay fiicnayn sidii caadiga ahayd.” Ayuu raaciyey.

Tababare Van Gaal ayaa waxa uu beddelay ciyaarta Marouane Fellaini iyo Wayne Rooney kuwaas oo beddelkooda uu tababaruhu ku sheegay in Fellaini uu uga baqay in casaan la siiyo, halka Rooney uu dhaawac ka gaadhay jilibka.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Illaa Kulanka U Dambeeya Waanu Dagaallami Doonaa’ – Ancelotti

Video – Hazard xiddiga Premier Leaguee ee Sannadka – Daawo Bandhig ciyaareedkiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com