10:29 am - Sunday June 25, 2017

Louis van Gaal, Klopp, Blanc, Diego Simeone  Oo isku soo sharraxay jagadu banneeyey David Moyes

Khadar Dirir

 

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameedkeeda koowaad ka dhigtay tababaraha Holland ee Louis van Gaal, kaasoo lagu bedeli doono maareeye David Moyes. Tababaraha Scotland ayaa hadda laylinaya Red Devils, laakiin xog hoose ayaa tilmaameysa in macallinkii hore ee kooxda Everton ay bacdiisu bannaanka u taal oo la cayrin doono usbuucan. Wararka isi soo taraya ayaa imaanaya guuldarradii United ee 2-0 oo ay kala kulantay kooxdii hore ee macallin Moyes Axaddii, taasoo natiijada Red Devils ka dhigtay inay guuldarreysatay 11 kulan Premier League horyaalka hadda socda.

Jariirradda Daily Star ayaa ogaatay Van Gaal in boostada uu u dhigo doono warqad iscasilaad ah FA Holland wixii ka dambeeya koobka adduunka ee Brazil, waxaana uu ka door bidi doonaa kooxda Manchester naadiga Tottenham Hotspur oo aad u xiiseynaysa 62-sano jirkan.

Jurgen Klopp, Laurent Blanc iyo Diego Simeone ayaa iyaguna ahaa musharixiin u taagan booskan

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

FA Oo Ganaaxday Mourinho, Ramires Iyo Rui Faria

Maxaa ka jira inuu John Terry ku biirayo Kooxda Man.City?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: