Lucas Moura: “Leo Messi Ayaan ku daydaa”

Waraysi uu siiyey jariidadda AS, ayaa waxa uu weeraryahanka baasha midig uga ciyaara PSG ee Lucas Moura ku sheegay in uu aad u taageero xiddiga reer Argentina iyo Barcelona ee Lionel Messi.

Waraysiga ayaa waxa uu u dhacay sidan:

Diyaar ma u tahay in aad ciyaarta kulanka Barca?

Mar kasta way fiican tahay in aad ka hor timaado, inkasta oo aanan garan karaynin in aan ciyaarta oo dhan la ciyaaro doono, haddana ciyaartu waxay noqon doontaa mid lagu loollamo oo aad isugu dhow. Dhamaantayo waanu ku faraxsanahay.

Sidee ayaad u aragtaa markaad daawato ninka aad isku wadanka tihiin ee Neymar?

Waa ciyaartoy maskax badan, waxaana farxad ii ah in aan idhaahdo waa saaxiibkay iyo farxad kale oo ah in aan arko xili ciyaareedkan sida uu u yahay. Waan jecelahay in aan daawado marka uu u ciyaarayo Barca, waana in aanu ka taxadarno.

Ka warran Messi?

Markasta waa geesiga aan ku daydo. Mararka qaarkood isaga ayaan iska dhigi jiray. Waxay ila tahay in uu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan adduunka, ciyaartiisuna dib ayay u soo noqotay oo dadka kale oo dhan wuu ka sarreeyaa. Way adkaan doontaa in laga hor yimaaddo, waana in aanu si adag u shaqayno si aanu u joojinno.

Sidee ayay kuula muuqataa, adiga oo Brazilian ah ayaad amaaneysaa ciyaartoy u dhashay Argentine?

Waa in waaqica laga duulo, Messi ayaa ugu wanaagsan. Dabcan, xafiiltan ayaa u dhexeeya Brazil iyo Argentina laakiin annagu waxa aanu nahay waddan kubadda cagta ka samaysan, sidaa daraadeedna markay jiraan ciyaartooyo wanaagsan waanu qirnaa.

Ma dhaawac ayay idinku tahay in Ibrahimovic laydinka ganaaxo?

Waxa aanu haysannaa Cavani.

Yaa guuleysan doona ciyaarta?

Labada kooxoodba waa isku mid.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pique Oo Sheegay In Drogba, Messi Iyo Ronaldo Ay Ugu Fiican Yihiin Raggii Uu La Kulmay

Atletico Madrid v Real Madrid: Booliska Rabshadaha Oo Heegan La Geliyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com