Luis Enrique Oo Saadaal ka bixiyey ciyaarta Clasico

Lionel-Messi-Luis-EnriqueTababaraha kooxda ayaa ka hadlay ciyaarta dhex mari doonta Real Madrid ee Clasico maalinta Axadda.

Enrique oo la weydiiyey in kooxdiisu u dhow dahay in ay ku guuleysato ciyaarta Clasico ayaa waxa uu ku jawaabay in ay tahay ciyaar furan oo aan midkoodna loo saadaalin karin in ay guuleysanayso, balse marka ay ciyaartu dhamaato uun natiijada la ogaan doono.

“Cidina ma odhan karto sidaas ayay wax noqonayaan. Haddii aan ka sii hor-dhaco, waa khatar. Waxa aanu ku ciyaaraynaa garoonkayaga taasina faa’iido ayay noo tahay, laakiin marka la eego dhinacyo badan, taasi waxba ma tarayso. Haddii aan idhaahdo kooxdaas ayaa guuleysan doontana waa halis saamayn nagu yeelan doonta.” Sidaas ayuu yidhi Enrique.

Tababaraha Barcelona, Luis Enrique oo la weydiiyey in kooxdiisu ay Axadda ay soo bandhigi doonto ciyaartii ay Arbacadii la ciyaartay Manchester City oo kale, waxa uu sheegay in aanu garan karaynin sida ay Axadda wax u dhici doonaan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Theo Walcott Oo Ka Dhaqaajinaya Arsenal Iyo Liverpool Oo Heegan Ugu Jirta

Messi Oo Kaliya Ayaa Ka Dheereya Mohamed Salah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com