Luis Enrique Oo Soo Dhoweyn Diyaar Ula Ah Pep Guardiola

Luis Enrique ayaa sheegay in uu ku soo dhoweyn doono magaalada Barcelona tababaraha Bayern Munich, Pep Guardiola marka ay labada kooxood ku ciyaarayaan garoonka Camp Nou.

Labada naadi ayaa isku beegmay semi-finalka Champion Leageu, waxaanay ciyaarta hore ka dhici doontaa garoonka Barcelona, halka ciyaarta labaadna la tegi doono magaalada Munich.

Enrique oo saxaafadda la hadlay markii isku aadka la soo saaray kadib, ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax aan la malaysan karin, isla markaana aanu sifayn karin in tababare Pep Guardiola uu markii u horreysay imanayo Barca isagoo wata koox kale, isla markaana kooxdii uu isagu dhistay uu la ciyaari doono.

“Waa wax fiican, Pep ayaa markii ugu horreysay ka hor imanaya Barca. Waxa uu waajihi doonaa ciyaartooyadiisii hore.” Sidaas ayuu yidhi Enrique oo warbaahinta la hadlay.

Luis Enrique waxa uu sheegay in aanay macno u samayn doonin halka ay ku ciyaarayaan kulanka hore am aka dambe hase yeeshee loo baahan yahay oo kaliya in ay diiradda saaraan in ay kubbad wanaagsan ciyaaraan, isla markaana ka adkaadaan Bayern Munich.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

“Barcelona Ayaa Ka Awood Badan Bayern” – Guardiola

Mourinho & Wenger Oo Bilaabay Dagaalkii Hadalka Iyo Fàbregas Oo Xuddun U Noqday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com