11:28 am - Friday June 23, 2017

Luis Suarez Iyo Martin Skrtel Oo Ku Dhex Dagaalamay Garoonka Tababarka

Aidarous

Luis Suarez iyo Martin Skrtel ayaa u muuqday kuwo cadho hore isu qabay kadib markii dagaal qadhaadhi ku dhex maray labada ciyaaryahan, garoonka ay ku tababarato kooxda Liverpool maalintii Jimcihii.

Suarez iyo Skrtel 3Naadiga Liverpool ayaa qarka u saaran ku guulaysiga horyaalkii ugu horeeyey mudo dheer, kaas oo ay ka xigto natiijada uga soo baxda kulanka Chelsea ee Axada.

Suarez iyo SkrtelSuarez iyo Skrtel 1Laakiin dagaalka ka dhex qarxay laba kamid ah ciyaaryahanadeeda laf dhabarta u ah kooxdu , wuxuu u muuqdaa mid dhabar jabinaya guushii ay higsanaysay Liverpool.

Suarez iyo Skrtel 2Intii uu tababarku socday, ciyaaryahanada oo ku madadaaloonaya ciyaarta kubada Valleyball-sha , kuna qos qoslaya Skrtel oo maadeynaya ayaa xaalku dhinaca kale isu rogay.

Suarez iyo Skrtel 4Suarez ayaa ka xanaaqay kaftankii, gacantana ula tagay Skrtel, isla markiibase waxa kala qabtay oo Suarez dib u soo qabtay ciyaaryahanka Philippe Coutinho, laacibka Lucas isna wuxuu qabtay Skrtel.

Qof goob jooge ah ayaa cadeeyey in Skrtel uu ka sheekaynayay kaliya arimo qosol qosol ah ee aanu u jeedin Suarez.
Xaalada ayaa si deg deg ah waxa u dejiyey oo soo dhex gallay tababare Brendan Rodgers.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Cristiano Ronaldo Oo Carabaabay Inuu ‘Actor’ Filimada Ah Noqon Doono Kubada Cagta Kadib

Giggs Oo Kulankii Koowaadba United Guul Weyn Gaadh siiyey Iyo Ferguson oo La Damaashaaday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: