Luis Suarez: Khabiirka Kulanka Catalan derby

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez waxa goolal ayuu dhaliyey siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee LaLiga, waxaana uu diiradda ku hayaa in goolkii sagaalaad oo xidhiidh ah uu dhaliyo marka uu maanta booqdo garoonka RCDE Stadium ee kooxda Espanyol.

Layaab ma noqon doonto haddii Suarez uu dhalin waayo gool kulankan, sababtoo ah waxa uu shabaqa saaxiib la ahaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu ka hortegay Espanyol.

Xili ciyaareedkii 2015/16, waxa uu qayb ka noqday oo magaciisu ku suntanaaday 5-0 ay Barcelona ku dhirbaaxday Espanyol, waxaana uu isagu dhaliyey laba gool, kulankii xigay ee isla xili ciyaareedkaas waxa uu dhaliyey laba ka mid ah 4-1 ay Barcelona ku durdursay. Kulan kale oo xigay, waxa uu dhaliyey 2 ka mid ah saddex gool oo Barca ay ku jiidhay Espanyol.

Bilowgii xiili ciyaareedkan oo ku beegnayd bishii September ee sannadkii hore, Barcelona 5-0 ay ku dubatay Espanyol waxaana mid ka mid ah goolasha dhaliyey Suarez, waxaana uu goolkasi u diiwaangeliyey Suarez in Espanyol ay noqoto kooxda saddexaad ee goolasha ugu badan ee uu ka dhaliyey Suarez, waxaana ka badan Real Betis iyo Deportivo La Caruna oo uu goolal kasii badan ka xareeyey.