Luis Suarez Oo La Gudoon siiyey Abaal-marinta Laacibkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Ingiriiska Sanadkan

Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Uruguay ee Luis Suarez ayaa ku guulaystay abaal marinta xidigii ugu fiican horyaalka Ingiriiska (PFA Player Of the Year Award), xili ciyaareed kan sii dhamaanaya ee 2013-2014.

Suarez oo aakhirkii ay isaga iyo Yaya Toure isugu soo hadheen, murashaxiinta u taagan abaal marinta, ayaa xallay saqdii dhexe la soo saaray ku dhawaaqistiisa.

Luis suarezLaacibka reer Uruguay ayaa shabaqa dhigay 30 gool xili ciyaareedkan, hogaankana u haya gool dhalinta horyaalka, iyadoo kooxda uu ka tirsan yahay ee Liverpool na ay qarka u saaran tahay horyaalkii koobaad inay hantido mudo 24 sanno ah kadib.

Waxa sidoo kale la magacaabay weeraryahanka kooxda Chelsea iyo qaranka Belgium ee Eden Hazard Oo loo doortay laacibkii ugu fiicnaa dhalinyarada kubada cagta Horyaalka The Priemier League ee sanadka.

Abaal marinta ayaa ah mid sanadkiiba hal mar ay bixiyaan Ururka xirfadlayaasha kubada cagta Ingiriiska ee loogu yeedho ” the Professional Footballers’ Association” ama “PFA”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Villarreal Oo Ay Faro Cididood Kaga Baxsatay Barcelona

Arin cajiiba oo xalay ka dhacday kulankii Bercelona iyo Villareal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com