8:31 am - Saturday August 19, 2017

Luis Suarez Oo saaxiibadii u sheegay Inuu Jecel Yahay ku Biirida Barcelona

Khadar Dirir

 

 

Weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez ayaa lagu soo waramayaa inuu saaxiibadii u sheegay inuu jeclaan lahaa ku biirida kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga dalka Spain ee Barcelona xagaaga.

27-jirkan ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku dhameeystay booska koowaad ee kala horeynta gool dhalinta horyaalka Premier League markii uu ka dhaliyay horyaalkaas 31 gool, isla markaana booska labaad ka geeyay kooxdiisa Liverpool horyaalkaas.

Barcelona ayaa la soo dheegayaa in iyana ay weeraryahankan ku doonayso qiimo dhan £30m oo lagu daray heshiis uu qeyb ka noqon doono Alexis Sanchez.

Sida laga soo xigtay wargaysyada ka soo baxay gobalka Catalunia oo ay kooxda Barcelona ka dhisan tahay, ayaa sheegaya in Suarez uu xajiiyay inuu jacel yahay inuu ka tago Liverpool kuna soo biiro kooxdan ka ciyaarta garoonka Camp Nou.

 

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kabtan Steven Gerrard Oo dib u dhigay Go’aanka Mustaqbalkiisa Xulka England  

Zidane oo loo magacaabay tababaraha cusub ee da’yarta Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: