Luis Suárez: “Way ii darsadeen warbaahinta Britain”

 

Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 7Laacibka afka hore ee Barcelona ee Luis Suarez oo waraysi siiyey telefishanka bein Sports ayaa waxa uu ka hadlay dhacdooyinkii uu kala kulmay waddanka Spain iyo bilihii ugu horreeyey ee garoonka Camp Nou.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Barca, waa riyo ii rumowday in aan u ciyaaro kooxda ugu wanaagsan adduunka. Qaybtayda ayaan ka ciyaaraa, taasina waan ku raaxaystaa oo waxa aan dareemaa in aan ahay muhiim” sidaas ayuu yidhi Suarez.

Suarez oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey: “Waxa jiray wakhtiyo aan fursado uun samaynayay laakiin aan ku guul darraystay in aan goolal dhaliyo balse werwer igumay haynin. Aad ayaan ugu adagahay bandhig ciyaareedkayga, aniga ayaana is canaanta markaan kooxda ka caawin kari waayo kubbad qurux badan iyo in ay goolal dhaliyaan, balse marka aanan goolal dhalinin hase yeeshee aan ka qayb qaato ciyaarta kooxda, waxa aan dareemaa in aan ahay muhiim, sidoo kale aad ayaan ugu raaxaystaa”.

Luiz Suarez waxa uu ka hadlay sida qoyskiisu ula qabsaday jewiga magaalda Barcelona oo ay u soo guureen markii uu laacibkani u wareegay kooxdaas, waxaanu yidhi: “Qoyskaygu aad ayay ugu faraxsan yihiin Barcelona, waanay la dhacsan yihiin magaaladan oo aanu hore usii naqaanay. Ciyaalkaygu waxay dhigtaan iskuulka xaaskayguna aad ayay u faraxsan tahay.”

Weeraryahankan caalamiga ah ee muranka badani dhex maray warbaahinta dalka Ingiriiska kadib markii uu qaniinay ciyaartooyo dalkaas ka ciyaara, kuwo kalena ku caayay midabkooda, ayaa waxa uu tilmaamay in warbaahinta Ingiriisku u darsadeen wararkiisii, waxaanu yidhi: “Ma garan karayo in warbaahinta Britain ay wadeen olole lid igu ah, laakiin waxay u muuqdaan in ay ii darsadeen. In badan ayay i dhalleecayn jireen iyagoo wax ka eegaya meelo aan mudnayn dareen soojiidasho. Waxa ay daabaceen sawirro aan leeyahay oo ay ku sheegayaan in aan qaniinay Demishelis subaxnimadii laakiin markii ay arkeen in ay been-abuur yihiin sawirradaydii ayay ka saareen bogaggooda. Waxa aan idhi intaas hore ayaa igu filnayd, waana in ay idaayaan. Markay meel ka daalaanba meel kale ayay wax ka eegayaan”.

Luis Suarez ayaa ka tegay kooxda Liverpool ee Ingiriiska markii uu dhamaaday koobkii Adduunka, waxaanu ku biiray Barcelona, halkaas oo uu bilihii u horreeyey ku guul darraystay in uu goolal u dhaliyo balse hadda ayuu noqday gool ma-gaffe.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xulal Ay Samaysteen Gerrard Iyo Carragher Oo Ciyaar Isku Haleeli Doona

Scholes: Arsene Wenger Wuu Ku Saxnaa Mesut Ozil, Aniguba In Aan La Ciyaaro Ayaan Jeclaa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com