11:33 pm - Sunday July 23, 2017

Luis Suárez: Oo Macasalaamaynaya England

Aidarous

SuarezTan iyo bilowgii xili ciyaareedkan , kooxda Liverpool ayaa samaysay dhacdooyin yaab leh , muujisayna awood mucjiso ah oo ay kaga adkaan karto koox kasta oo Yurub ah. Haddii la is weydiiyo sababta kaliya ee ka dambeysa awoodaasi, waxaan shaki ku jirin in qof kastaa kaga jawaabayo …. Waa Luis Suárez.

Hadaba , sida ay ku waramayso jariidada , Marca ee ka soo baxda wadanka Spain, weeraryahanka kooxda Liverpool ee Luis Suarez, ayay qortay inuu macasalaamaynayo oo ka ambabaxayo horyaalka ugu xiisaha badan caalamka ee Priemiership-ka iyo ugu horeyn garoonka caanka ah ee Anfield xili ciyaareedka dambe.

Suárez ayaa hore ugu gacan saydhay mid kamid ah kooxaha ugu awooda badan Yuru, isagoo diiday ku biirida Manchester City. Waxaanay ku dooday majaladu in laacibkan 27 jirka ahi uu gebi ahaanba goostay inuu ka huleelo wadanka England.

Laakiin Marca oo warka bixitaanka Suarez tebisay , ayaan sheegin kooxda uu rasmi ahaan ugu diga-roganayo weeraryahanka reer Paraguay.

Luis Suarez ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Ajax , isla markii kooxdu ay wayday weeraryahankeedii ay ku dhaaran jirtay ee Fernando Torres oo isagu ku biiray markaasi naadiga Chelsea.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

“Awalba 6 dhibcood iyadoo nalaga sareeyo ayaan figta u soo baxnay ,” Isco

Seedorf : “ Ac Milan Iyo Manchester United Isku Xaalad Ayay Ku Jiraan.”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: