Luka Modric Oo Loo Doortay Laacibkii Ugu Fiicnaa Bishii September Kooxda Real Madrid

modric

Xiddiga khadka dhexe ee reer Croatia Luka Modric ayaa ku guuleystay laacibka bisha ee kooxda Real Madrid, isaga oo abaal-marrintan ku garaacay 4-laacib oo la tartamayay.

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa u doortay mishiinka khadka dhexe Luka Modric laacibkii ugu fiicnaa Real Madrid bishii dhammaatay ee September.

Luka Modric ayaa ka dul-qaaday abaal-marintan 4-ta ciyaartoyda ee kala ah Marco Asensio, Toni Kroos, Alvaro Morata iyo Marcelo.

Waxaa xusid mudan in weerarka Real ee lagu naaneyso BBC aanay soo ban-dhigin qaab ciyaareed fiican bishii dhammaatay, taas oo keentay in laga reebo inay u tartamaan abaal-marrintan.