Luke Shaw Oo Hoggaaminaya Difaacyada Baallaha Ee Dunida Ugu Qaalisan

Difaaca cusub ee ay Real Madrid iibsatay ee Danilo ayaa ka galay kaalinta afraad ciyaartooyada baallaha ee taariikhda kubadda cagta ugu qaalisan.

Salaasadii ayay labada kooxood ee Madrid iyo Porto shaaciyeen heshiiska, waxaanay lagu kala iibsaday lacag dhan €31.5 million.

Lacagtan la kala siistay waxay keentay in dib loogu noqdo diiwaanka ciyaartooyada ugu qaalisan ee difaaca baallayaasha / dhinacyada ka ciyaara, waxaana kaalinta koowaad galay Luke Shaw oo aanay wali cidi ka furfuran kaas oo ay Manchester xagaagii tegay kaga soo iibsatay Southampton lacag dhan €37.5 million, laakiin dhibaato ayaa ka haysata kooxdaas taas oo ah in ay daashadeen dhaawacyo iyo waliba in aanu si fiican ula qabsanin qaab ciyaareedka kooxda.

DaniloHalyeygii reer France ee Lilian Thuram ayaa kaalinta labaad ee lacag badnaanta fadhiya, kaas oo ay Juventus kaga iibsatay Parma lacag dhan €36m sannadkii 2001. Waxa uu kula guuleystay Juventus shan sannadood oo uu joogay afar horyaal, ka hor intii aanu ku biirin Barcelona.

Kaalinta saddexaad waxa ku jira Ani Alves oo ay Barcelona €35.5 milyan kaga iibsatay Sevilla sannadkii 2008, laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa la sheegay in uu u qalmayey wax kasta oo lagu kala iibsaday, waxaanu kugula guuleystay kooxdiisa afar horyaalka dalka Spain ee La Liga, Laba Champions League iyo koobab kale oo badan.

Kaalinta afraad waxa soo galay Danilo oo toddobaadkan ay Real Madrid kaga iibsatay FC Porto lacag dhan €31.5 milyan, halka uu kaalinta shanaadka fadhiyo Fabio Coentrao oo ay Real Madrid €30 milyan kaga soo iibsatay Benfica sannadkii 2011, laakiin illaa wakhtigaas aan si fiican u saldhigin kooxda.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Bale iyo Pepe Oo Dhaawac Kaga Maqnaanaya Ciyaaraha toddobaadkan

17 Jir Baahiyey Inuu Walxaha Qarxa La Soo Gallayo Camp Nou Oo La Qabtay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com