5:30 pm - Thursday July 27, 2017

Ma Dhabbaa In Macallinka Chelsea Uu Yahay Baadari Fidiya Diinta Masiixiga?

Abdiwahab Ahmed

conte

Tababaraha kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Chelsea ayaa la soo bandhigay sawirro wakhti hore ah oo uu ka shaqayn jiray Kaniisad ku taalla waddanka Talyaaniga, halkaas oo uu ka bartay dhaqamada khuraafaadka ah ee ay farayso Diinta Masiixiga ee sannad walba waxyaabaha badan ee aan jirin lagu kordhiyo.

Tabarahan oo u dhashay waddanka Talyaaniga, guulo badanna la gaadhay kooxdiisii hore ee Juventus iyo xulka qaranka Italy oo uu ku soo kordhiyey hab-ciyaareed cusub iyo isagoo ka dhigay mid ka mid ah waddamada laga cabsado iyagoon haysan ciyaartooyo wanaagsan, ayaa waxa la sheegay in uu yahay baadari haya hawlo kale oo la xidhiidha faafinta diinta Masiixiga.

Antonio Conte ayaa la soo bandhigay muuqaallo sawirro ah oo muujinaya kulan uu la yeeshay baadarigii hore ee Bakhtiyey ee diinta Masiixiga faraceeda Kaataloga ee Pop John.

Si kastaba ha ahaatee, xagjiriinta Masiixiga ah ayaa waxay ku doodayaan in qaab ciyaareedka iyo shakhsiyad ay ku sifeeyeen inay wanaagsan tahay uu ka dhaxlay cibaadada Allah ka fogaanshaha ah ee khuraafaadka Diinta Masiixiga.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
jose-mourinho-vs-arsene-wenger

Mourinho: Horyaalkii u dambeeyey ee aan qaado 18 bilood baa laga joogaa – maaha 18 sanno

Tababare Wenger Oo Aflagaadeeyey NEBI CIISE (Calayhi Salaam)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: