1:33 pm - Wednesday June 28, 2017

‘Ma Murugoonayo, Laakiin Waan Cadhaysanahay’ – Simeone

Aidarous

Diego Simeone ayaa isagoo cadhaysan sheegay inaanu “murugoonayn, laakiin ay cadho madax martay ” kadib markii Atletico Madrid dhulka la jiid jiiday 4-1-na ay kaga badisay Real Madrid, kulankii Finalka Champions League xallay.

SimeoneTababarahan ayaa wareegayay dhinacyada garoonka shanti daqiiqo ee lagu daray ciyaarta markii 90 kii minute dhamaadeen, kuwaas oo sabab u ahaa isla markaana uu dhashay Goolkii yaabka lahaa ee Sergio Ramos uu shabaqa dhigay, guushana ka hor istaagay Simeone oo uu guusha u gacan galliyey Diego Godin goolkii uu qaybtii hore ee ciyaarta dhalliyey. Wuxuu canaan kula dul dhacay garsoorihii ciyaarta, markii la gudo gallayay qaybtii labaad ee 30 kii daqiiqo ee lagu daray, ugu dambeystiina wuxuu weerar ku qaaday oo dirqi lagaga qabtay difaaca da’da yare e Raphael Varane, kaas oo la arkayay isagoo bixinaya ficilo dhiig ku kicin ah oo uu ula badheedhay tababaraha Atletico oo taagan xerada loo asteeyey ee dibada garoonka, markaas oo uu kubada rigoodhaha ahayd laagayay Cristiano Ronaldo. “Ma dareemayo wax murugo ah,”ayuu yidhi ruug cadaaga reer Argentine oo warbaahinta la hadlayay ciyaarta kadib.

Simoene oo garsooraha“Waxaan ka cadhaysanahay inaanan gaadhin hadafkii aan lahaa. Imikase degenaan ayaan isku taxalujinayaa si aan xaaladan ugu soo dabaalo. “Ciyaartu waxay dhamaataa marka garsooruhu doono, Wax kale oo aan xaaladan ka odhanayaa ma jiraan. Waxaan aad ugu rajo weynahay in arintani u horseedi doonto Varane khibrad iyo inuu wax ku qaato. Waa ciyaaryahan weyn oo leh mustaqbal ifaya.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Daawo Sawiradii Ugu Xiisaha Badnaa Final-ka Champions League

Barcelona oo Hambalyo U Dirtay Labada Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: