Maamulka Arsenal Oo Diyaariyey Lacag Badan Iyo Dibu-dhis Ballaadhan Oo Kooxda Lagu Samaynayo

Arsenal caan kama aha suuqyada ciyaartooyada lagu kala iibsado, mana aha naadi looga bartay inay lacag badan bixiso, laakiin ku dhowaad toban sannadood oo koob la’aan ah, hadda waxay u muuqataa inay wax iska beddelayaan.
Wararka ay maanta oo Jimce ah daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta dunida, ayaa lagu sheegay inay kooxdu diyaarisay lacagtii ugu badnayd ee ay ciyaartooyo ku iibsanayso, isla markaana ay qorshaynayso inay kooxda dibu-dhis ku samayso ayna marka ugu horreysaba soo xero geliso laba ciyaaryahan ka hor inta aanu bilaabmin koobka adduunka ee bisha foodda innagu soo haysa ee June lagu qaban doono wadanka Brazil.
Sida warbaahintu sheegtay waxay Arsenal qorshaynaysaa inay ka hor koobka adduunka soo xero geliyaan laba ciyaartoy, waxaanay diyaarisay lacag dhan €122 milyan oo loogu talo galay laba ciyaaryahan oo weeraryahanno ah, laakiin ka ciyaari kara meelo kale haddii looga baahdo, hal ciyaaryahan oo khadka dhexe ah iyo goolwade. Waxa kale oo ay kooxdu suuqa u geli doontaa beddelka difaacyahanka baasha midig ee Bacary Sagna oo uu heshiisku ka dhamaanayo bishan dhamaadeedkeeda, lana aaminsan yahay inuu tegi doono kooxaha waaweyn ee Yurub midkood iyo Thomas Vermaelen oo isagana musqabalkiisa kooxdu mugdi ku jiro.
Waxa kale oo isagana shaki ku jiraa sii joogitaanka tababaraha kooxdaas Arsene Wenger oo inkasta oo ay maamulku doonayaan inuu saxeexo heshiis laba sannadood iyo badh ah oo uu naadiga baaqi ku sii ahaado, haddana waxa go’aanka kama dambaysta ahi soo bixi doonaa wixii ka dambeeya 17 May, oo ah maalinta ay ciyaaraan kulanka kama dambaysa ah ee FA Cup-ka.
Boodhka maamulka ee Arsenal oo qorshan dibu-dhiska kooxda ka shaqaynaya, waxa ay aad u danaynayaan in tababaraha kooxdu sii ahaado Wenger. Mid ka mid ah weeraryahannada ay diiradda saareen maamulku, waxa weeyaan ciyaarahanka dhinaca uga ciyaara Real Sociedad ee Antoine Griezmann oo sumcad badan ka helay horyaalka La Liga xili-ciyaareedkan, waxaana qiimaha ay kooxdiisu ku fasixi karto lagu tilmaamay €30 milyan, waxaana mar horeba lagu arkay wadanka Spain wakiillo ka socda Arsenal oo ku sugan garoonka tababarka ee Real Sociedad waxaana shaqada ay halkaa u tageen tahay inay qiimeeyaan xaaladda ciyaartoyga, la xaajoodaan kooxdiisa, isla markaana ku qanciyaan in ciyaartoyga laga iibiyo.
Sida warbixintan warbaahintu daabacday ku cad, Arsenal wali go’aan kama ay gaadhin ciyaartooyada weerarka ah ee ay doonayso inay soo xero geliso, waxase aan mugdi ku jirin inay qiimaynayso xaaladda ciyaartoyga reer Jarmal ee Julian Draxler, kaas oo ay bishii January isku dayday Arsenal inay iibsato laakiin loo diiday.
Khadka dhexe waxa Arsenal diiradda u saaran oo ay si dhow ula socotaa Morgan Schneiderlin oo u ciyaara Southampton iyo Lars Bender oo ka tirsan Bayer Leverkusen, waxaana hammiga Arsena uu yahay inay keenaan ciyaartooyo tayo leh oo ay da’dooduna yartahay oo beddeli kara Mikel Arteta iyo Mathieu Flamini.
Heshiiska dhamaanaya ee Lukasz Fabianski iyo isagoo looga gacan haadinaya horyaalka Jarmalka ayaa waxa ay u badan tahay inuu soo gunaanado toddoba sannadood oo uu u ciyaarayay Arsenal,taasina waxay ku kallifaya in maamulku raadiyaan beddelkiisa,
Inkasta oo uu qorshuhu yahay in kooxdu dib u qaabayso habkeeda difaac, ayna suurtogal tahay inay waayaan mid ama labadaba Sagna iyo Vermaelen, haddana waxay wali Arsenal ka dhursugaysaa inay ka maqasho Sagna inuu ogol yahay inuu saxeexo heshiis cusub oo laba sannadood ah iyadoo ay loo ballan qaaday in toddobaadkii la siin doono €98,000
Indhaha kooxda waxa kale oo ay hayaan halbowlaha kooxda Frankfurt ee Sebastian Jung iyo libaax Toulouse ee Serge Aurier oo loo arko inay noqon karayaan beddelka Sagna.
Kabtanka kooxda, Vermaelen waxa heshiiskiisa ka hadhay hal sanno, balse wuxuu xili-ciyaareedkan intiisa badan ku dhamaystay kursiga kaydka iyadoo ay booska ka saareen Per Mertesacker iyo Laurent Koscielny, waxana iska cad in kooxdu ku dhegsanaan doonto Koscielny oo u muuqda inuu yahay difaac is-muujiyey, waxase weerar ku haya kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo 12-kii bilood ee u dambeeyey bartilmaameed ka dhigtay.