Wiil shan jir ah oo qaba Kansar aan la dawayn Karin ayaa lagu marti qaaday ciyaartii dhawaan dhex martay Sunderland iyo Chelsea.

Bradley Lowery, oo reer Britain ah ayaa 2013 la xaqiijiyay in uu qabo nooca Kansarka ee loo yaqaanno neuroblastoma.

Wiilka waxaa loo aruriyay 700,000 oo Gini si loogu soo daweeyo dalka Maraykanka, 200,000 oo Gini oo lacagtaas ka mid ah waxaa ku deeqday kooxda Everton.

Si kastaba ha ahaatee hooyadii ayaa todobaadkii hore sheegtay in Kansarka wiilkeedu uu sii waynaaday lagana yaabo in dawayntu ay u horseedo uun in uu wakhti kale sii noolaado.

Waxaa la xaqiijiyay Salaasadii in Bradley loo diray 11,000 oo warqadood oo dhiirigalin ah oo ay soo direen dad samo doon ah.

Qof taageera kooxda Everton ayaa abaabulay in dadku ay waraaqahaas dhiirigalinta ah u diraan wiilka.