Kulankii shalay ay kooxda uu hogaamiyo Zidane ee Real Madrid kaga adkaatay 5-2 da, dhigeeda Osasuna ayaa ahaa mid tababarahani uu gaadho Guushiisii 15 Naad ee Isku xigta, taas oo uu ku badiyo garoonka Santiago Bernbeu. Waxaana Rikoodhkan taariikhda hore u diiwaan gashaday macalinkii hore ee kooxda Real Madrid Miguel Munos kaas oo xili ciyaareedkii 1960/1961-kii gaadhay rikoodhkani.

Hadba Zidane ayaa ku badiyey garoonkiisa 12 kii kulan ee ugu dambeeyey xili ciyaareedkii hore isagoo kaga adkaaday kooxaha  Levante, Celta Vigo, Las Palmas, Sevilla, Barcelona, Eibar, Getafe, Villarreal, Rayo Vallecano, Real Sociedad, Valencia iyo Deportivo La Coruna.

Halkaas oo imika ku bilawday guulo hor leh xili ciyaareedkan 2016/17

Waxaanu kaga adkaaday kooxaha Real Sociedad, Celta Vigo iyo  Osasuna, isagoo leh 9 dhibcood hogaanka horyaalka Spain.

 

Rikoodhkan ayaa noqonaya mid sii kordhinaya guulaha uu Zidane ku hogaaminayo kooxda Real Madrid.