Macalinka Chelsea Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Hadii Goolhaye Kepa Ka Kaafin Karo Shaqadii Courtois

Kooxda Chelsea ayaa waxay qiimo lacageed waali ah ay kala soo wareegtay naadiga Atletico Club Goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Kepa Arrizabalaga ayaa lagu wadaa inuu buuxiyo doorkii uu kooxda ku lahaa Courtois, kaasoo si rasmi ah ugu biiray Real Madrid.

Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayaa hogaamiyaha Chelsea ee Maurizio Sarri, wuxuu amaan ugu qubeeyay Shabaq-ilaaliyaha cusub ee Blues.

“Isaga waxaan arkay sanad ka hor, wuxuuna ahaa mid cajiib ah, kaasoo si wanaagsan u ilaaliya shabaqa,” ayuu yiri.

“Waa mid dhalinyaro ah, laakiin aad iyo aad u fiican,” ayuu hadalkiisa kusii daray ninkaan udhashay dalka Talyaaniga.

Maurizio Sarri oo sii hadlaya ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in Kepa Arrizabalaga uu ka kaafiyo bixitaanka Thibaut Courtois.

“Ma garanayo sababta uu ubaxay Thibaut Courtois, balse, waxaana rajeynayaa in Kepa uu naga kaafin doono wax walab oo wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay hogaamiyaha Blues ee Maurizio Sarri.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.