Madaxda Barcelona Oo Is Weydiinaysa Sababtii Loo Beddelay Neymar Kulankii Sevilla

Masuuliyiinta kooxda Barcelona ayaan fahamsanayn sababtii uu tababaraha kooxdaas Luis Enrique u beddelay weeraryahanka reer Brazil ee Neymar kulankii barbar dhaca 2-2 ku dhamaaday ee Sevilla.

Madaxweyne ku-xigeenka Barcelona, Jordi Mestre ayaa u sheegay telefishanka Canal + in ay weli garan la’ yihiin sababtii uu tababaruhu u beddelay Neymar kaas oo markii uu garoonka ka baxay ay kooxdiisu u duntay isla markaana laga dhaliyey laba gool oo daran doori ah.

“Ma garanayo sababta Neymar loo saaray. Si fiican ayuu u ciyaarayay, gool qurux badan oo laad xor ahna wuu dhaliyey. Luis Enrique ayaa laga rabaa sababta.” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre oo u warramay Canal +.

Waxa uu intaa raaciyey masuulkan sare oo uu yidhi: “Si fiican ayaanu u ciyaarnay qaybtii hore, laakiin ciyaar adag ayay ahayd, waanan ku faraxsanahay in aanu dhibic ka soo helnay ciyaartan oo aanaan garoonkayaga joogin.” Ayuu raaciyey.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Somaliland: Maxaa Ka Jira In Ay Ka Qayb Gelayso Koobka Afrika?

Murugada Dhaawac Halis ah Oo Gaadhay Musacchio Oo Ruxay dalka Spain – Video

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com