7:38 am - Sunday July 23, 2017

Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Guushii Xulka Gobolka AWDAL

Abdiwahab Ahmed

wasiirka-madaxtooyada

Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hambalyo diirran u diray xulka gobolka AWDAL ee ku guuleystay ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee kubadda Cagta, kuwaas oo shalay garoonka Hargeysa Stadium uu madaxweyne Siilaanyo ku dhex guddoonsiiyey koobka sannadkan.

Wasiirka madaxtooyada ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa FACEBOOK, waxa uu kaga hadlay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sida ay xukuumadda uga go’antahay dhiirigelinta iyo kobcinta dhallinyarada, iyo arrimo kale.

Qoraalka uu wasiirku ku baahiyey bartiisa oo dhamaystiran, waxa uu u dhignaa sidan:

“ Waxaan leeyahay Xulka gobolka Awdal Hambalyo koobka ay Qaadeen. qabashada Tartanka ciyaaraha Gobolladu Qaran ahaan Waa Guul Inoo soo Hoyatay.”
…………………………………………………..
Bismilaahi Raxmaani Raxmiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo aan ka mid ahay ayaa galabta garoonka Hargeysa Stadium kaga qayb galay gunnaanadka tartanka ciyaaraha gobollada.

Tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumad ahaan waxaanu saarnay xoog sidii ay u qabsoomi lahaayeen, waxaanu uga gol lahayn in aanu beerno jidh caafimaad qaba, in aanu dhiiri galino is dhexgalka, iyo isbarashada ciyaartoyga da’ yarta ah, in ciyaartoyga iyo dhalinyarada guud ahaan laga mashquuliyo balwadaha, tahriibka iyo wixii la mida ah.

Ciyaaraha maalinba cidbaa badisa, kubadduna waa bar madow iyo bar cad, waxaan leeyahay Hambalyo Qaranka Somaliland oo dhan sida ciyaaraha gobolladu inoogu qabsoomeen, oo runtii aad iyo aad ugu duwanaa qaabkii hore. Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan waan u hambalyeynayaa, gaar ahaana waxaan u hambalyeynayaa ciyaartoygii ka soo qayb galay tartankan, kuwii wareegii koowaad ku hadhay iyo kuwii wareega labaad u soo gudbayba.

Waxaan hambalyo weyn u jeedinayaa xulka gobolka Awdal iyo xulka gobolka Saaxil oo maanta ciyaartii kama dambaysta ahayd ku kulmay, waxaan leeyahay xulka gobolka Awdal hambalyo, koobka ay qaadeen, aad ayaan ugu hambalyeynayaa ugu bogaadinayaa, waxay soo bandhigeen dadaal faro badan.

Dhinaca kale xulka gobolka Saaxil iyagana waxaan ku bogaadinayaa oo ay soo bandhigeen ciyaar aad u fiican oo farshaxan-nimo leh sidoo kalena waxaan ku hambalyeynayaa koobkii ay xalay qaadeen ee kubadda kolayga, waxaan leeyahay qoloba hal koob ayey la carowday, markaa guul weyn weeye, waxaan rajaynayaa inay halkaas inooga sii socdaan, sanad walba aynu wax korodhsano, qabashada tartanka ciyaaraha Goboladu qaran ahaana waa guul inoo soo hoyatay.”

WA-BILAAHI TAWFIIQ.
Guul Jamhuuriyadda Somaliland.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xulka Gobolka Awdal Oo Markii Ugu Horeysay Ku Guuleystay Koobka Gobolada Somaliland

Muxuu Wasiirka Madaxtooyadu Ka Yidhi Koobkii Uu Ku Guuleystay Xulka Gobolka SAAXIL?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: