Madaxweynaha Kooxda Ac Milan Silvio Berlusconi Oo Laga Soo Saaray Cisbitaal Loola Cararay Jimcihii

b-21

Madaxwaynaha Ac Milan ee Silvio Berlusconi ayaa lagasoo saaray cisbitaal la dhigay oo ku yaalla New York, kaas oo loola cararay markii uu kasoo degayay magaaladaasi.

Corriere della Sera ayaa sida war sheegaya in Berlusconi loola cararay cisbitaalka qeybtiisa xaaladaha deg-degga ah ee Presbyterian Hospital oo la dhigay fiidkii Jimcihii, kadib markii uu ku xanuunsaday duulimaadka dheer ee uu uga gudbey Badweynta Atlaantigga, isagoo 80-jirsaday saacado uun kahor.

“Jimcihii, Sebtember 30, Silvio Berlusconi waxaa la soo dersay xanuun yar markii uu ka soo degayay New York City,” ayuu yidhi dhakhtarkiisa Alberto Zangrillo.

“Kadib baadhitaanno xidhiidh ah oo qoto dheer, waxaa meesha ka baxday inuu wax ka qabo dhanka xiddidada wadnaha, waxaana cisbitaalka laga saaray xalay, iyada oo si dhow loola socon doono xaalkiisa” ayuu raaciyay.

Zangrillo ayaa ahaa ninka qaban-qaabiyay safarkan, si uu Berlusconi u helo daryeelka ka dambeeya qalliinkii uu galay sannadkan, kaas oo uu sameeyay isla dhakhtarkani.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

DEG DEG: Xiddigta Tennis-ka Ee Maria Sharapova Oo Laga Khafiifiyay Ganaaxii 2-da Sanno

wayne-rooney-gareth-southgate-main

Wayne Rooney oo ka hadlay mustaqbalkiisa kubadda cagta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com