Madaxweyne Barack Obama siday isku Yihiin Kubadda cagta?

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa isagoo ku sugan dalka Japan la kulmay robot (mashiin) u dhaqmaya sida dadka, isla markaana Mashinkan ayaa soo dhaweyn aan caadi ahayn u sameeyay madaxweyne Obama.

Iyadoo soo dhaweyntaas ay qeyb ka ahayd ciyaarta kubadda cagta oo ay wada ciyaareen robot-ka iyo madaxweyne Barack Obama.

Madaxweyne Obama ayaa ku jira safar uu muddo hal toddobaad ka badan ku marayo afar wadan oo ka tirsan qaarada Asia, wuxuuna booqashadiisa ka bilaway dalka Japan oo ah halkii uu kula kulmay robot-kan, isagoo sidoo kale booqan doona dalal ay ka mid yihiin South Korea, Malaysia iyo welina dalka Philippines.

Obama ayaa la kulmay robot-kan oo lagu magacaabo Asimo ay samaysay shirkada baabuurta ee Honda oo laga leeyahay dalkaasi Japan.