8:49 pm - Monday January 22, 2018

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Laga Sugayo Magacaabista Guddida Olambikada Somaliland

43 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Madaxweyne Muuse Biixi Oo Laga Sugayo Magacaabista Guddida Olambikada Somaliland

Olomikadu waa Hay’ad madax banaan, waa Hay’ad qaran oo guud ahaan ka jirta Wadamada Caalamka, waa Hay’ad kulmisa dhammaan Xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaraha, Olomikadu waa Hay’ad farsamo oo maamusho Ciyaaraha, waa Hay’ad la siman Wasaaradda Ciyaaraha, oo Wasaaradda Ciyaaruhu siyaasad ahaan ayey maamusha Ciyaaraha, halka Olomikaduna ay farsamo ahaan maamusho, inkasta oo tartamadii ugu dambeeyey ee Koobka Gobolada iyo Tartamadii kala duwanaa ee la qabtay ay Waaxda Ciyaaruhu gacanta ku haysay, isla markaana la maamulaysay Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha.

Haddaba Somaliland oo ilaa hadda ah Wadan aan wali Caalamka ka helin aqoonsi caalamiya, isla markaana cid ka caawisa ama urur ka caawiya Ciyaaraha aanu jirin, ayaa haddana waxa gabi ahaanba ka jirin Guddida Olomikada Qaranka oo loo baahnaa inuu ka jiro, inkasta oo saddex Guddi oo Olomikada ahi ay dalka soo mareen, oo Guddidii ugu horeeyey oo ahaa Guddi Olomiko, oo ku meel gaadh ah oo jiray wakhtigii ay Wasaaradda Ciyaaruhu ahayd waax ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, oo markii dambe meesha ka baxay, Guddidii ku xigay oo uu Guddoomiye ka ahaa Maxamed Yuusuf Maxamuud (Cirro), oo muddo dheer joogay, ayaa markii dambe Wasiirkii Ciyaaraha ee wakhtigaas Cali Siciid Raygal kala diray, isagoo Wasiirkuna wakhtigaas magacaabay Guddi ku meel gaadh ah oo uu Guddoomiye uga dhigay Xasan Waraabe Cadde, oo isna markii dambe is casilay.

Sidaas oo ay tahay Olomikadu waa Hay’ad la’aanteed ay Ciyaaraha dalku gaabis noqonayaan, ayaa tan iyo intii uu is casilay Guddoomiyihii hore oo Olomikadu oo hadda muddo laga joogo, aan haba yaraate aan la sameeyan wax Olomiko ah, iyadoo sideedaba Olomikadu ay ku timaado saddex mid, oo kala ah in Xidhiidhadu soo doortaan, in Wasiirku magacaabo, iyo in Madaxweynuhu soo magacaabo, inkasta oo afartii Madaxweyne ee hore ee taladda dalka Somaliland iskaga dambeeyey aanay Guddi Olomiko si rasmiya aanay u sameeyn, si ciyaaraha dalku u hagaagan suurtagal ma noqon kartaa in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu sameeyo Guddida Olomikada Qaranka?, waa su’aal ay aad isku weydiinayaan bahda Ciyaaruhu, balse jawaabtu waxay ka go’da hadba sidii Madaxweynuhu ka yeelo.

Haddaba Guddoomiyihii hore ee Olomikada Xasan Waraabe Cadde, oo Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika wax ka weydiiyey  muhiimada ay Guddida Olomikadu leedahay ayaa yidhi “Ugu horeyn Guddida Olomikadu waa Guddida ama daladda ay hoos imanayaan dhammaan Xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaruhu, waa Guddi ay wada hadhsanayaan dhammaan Xidhiidhada Ciyaaruhu, waa Guddidii socodsiinaysay hawlaha kala duwan ee Ciyaaraha, waa Guddidii farsamo ahaan maamulaysay Ciyaaraha, dalkeenuna Guddida Olomikada la’aantii ciyaaruhu ma soconayaan, Guddida Olomikaduna Caalamka waxay ka timaada Xidhiidhada, sidaas oo ay tahay anigu waxaan soo jeedin lahaa in marka hore uu Madaxweynuhu magacaabo, wixii ka dambeeyana ay Xidhiidhadu iyagu soo doortaan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dalka kama jiraan Olomiko Qaran, Horyaalo Kubada Cagta ah, Kubada Kolayga ah,Ciyaaraha fudud, ee waa muhiim in Olomikana la sameeyo, Horyaalana la qabto”.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Waa Maxay Ujeedadda Tababar Ciyaareed Oo Ka Socda Hargeysa?

Philadelphia Sixers vs New York Knicks – Full Game Highlights | Dec 25, 2017 | NBA Season 2017-18

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com