10:28 am - Sunday June 25, 2017

Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Siiyey Wasiirka Maaliyadda In La Bixiyo Kharashka Garoonka Ciyaaraha Gobolka Sool

Abdiwahab Ahmed

Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Sool Fu’aad Axmed Cali, ayaa ka hadlay Garoonka Kubada Cagta ee Gobolka Sool, oo uu sheegay inuu aad ugaga mahad-celinayo Madaxweynaha Jamhuuryiada Somaliland, oo uu ku amaanay inuu u saxeexay warqadii Garoonka lagu dhigaayey Rooga Casriga ah.

Warqad Madaxweynuhu ku amray wasiirka maaliyadda in la bixiyo kharashka garoonka kubadda Cagta Sool lagu dhigayo Roogga Cagaaran

Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Sool Fu’aad Axmed Cali, oo arintan ka hadlaya ayaa sidoo kale sheegay in muddo dheer ay ku mashquulsanaayeen Roogan, waxaanu yidhi ugu horeyn “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo), waxaana ugaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee sharafta iyo maamuska leh ee uu warqadii rooga garoonka laascaanood lagu dhigayey noogu saxeexay oo uu noogu ansixiyey,waxaan leeyahay tacabkayagii muddada dheer aanu caasimadda ugu soo noq-noqonayey ee danahayaga gaarka ah  uga imananay marhadii ILLAAHAY nagu guuleeyey waa ILLAAHAY mahadii, Ninkii yidhi dhalinyarada reer Sool waxba loo qaban maayo, isna waxaan leeyahay waa maangaab iska hadlay oo aan labada buurood dhaafin hankiisuna reer hebel iyo xaafad yahay, waxaana muuqata in maanta Xukuumaddu u heelan tahay in dadka Gobolka Sool wax u qabato, gaar ahaan Dhalinyarada iyo Ciyaaraba, waxaana aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Ciyaaraha, Agaasimaha Ciyaaraha iyo cid walba oo gacan ka geystay arinta  Garoonka ee Rooga, Waxaana xaqiiqo ah in aanu ku talo jiro sidii Ciyaaraha Gobolka Sool aanu horumar u gaadhsiin lahayn, waana gaadhsiin doonaa haddii Rabi ogolaado”.

isu-duwaha ciyaaraha ee SOOL

Xigasho: Geeska Afrika

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Maxa Somaliland Ka Hor Taagan In Horyaalo Iyo Tartamo Joogto Ah?

Verratti, Coutinho, Bellerin Iyo Xiddigaha Kale Ee Barcelona Ay Ku Dagaalamayso

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: