Madaxweynihii Bayern Munich Oo Iscasilay, Aqbalayna Xabsiga Saddexda Sanno Iyo Dheeraadka ah Ee Lagu Riday

MAdaxweynaha-Bayern-MunichUli Hoeness ayaa sheegay inaanu racfaan ka qaadanayn xabsigii seddexda sanno iyo badhka ah ee ay maxkamadu ku xukuntay, madaama lagu helay danbi  ah khiyaano cahuureed, waxaana uu sidoo kale iska casilay jagada madaxweynenimada naadiga Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa ah koox uu isagu ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan caalamka.

“Ka dib markii aan la tashiyo la sameeyay qoyskeyga waxaan go’aansaday inaan aqbalo xukunkii ay riday maxkamada Munich ee ku saabsanaa canshuurta.” ayuu ku qoray warbixin lagu daabacay website-ka kooxda.

“Inaan Khiyaamo canshuurta ku sameeyo waa khaladkii ugu weynaa ee nolosheyda” ayuu yidhi.

Uli Hoennes ayaa sidoo kale iska casilay shaqada madaxweynenimo ee kooxda, iyadoo uu shaqadaas ka bedelay madaxa shirkada Adidas oo saami ku leh kooxda ninka la yidhaahdo Herbert Hainer.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Hanjabaadii Nasri iyo Kompany oo Beenoobay Iyo City Oo Laga Reebay Champions League

Arsene Wenger: Bendtner Fasax Umuu Haysan Inuu Copenhagen Tago, Waala Ganaaxayaa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com