Madrid Oo Ka Baxday Dagaalka Horyaalka – Barca Oo La Hakiyey Iyo Atletico Oo Fursad Dahab Ahi Ka Luntay

Celta 2-0 Real Madrid. Rajadii Real Madrid ka lahayd horyaalka ayaa sidaas ku soo af meerantay kadib markii ay caawa guuldaro laxaad leh kala kulantay naadiga Celta Vigo oo kaga adkaaday 2-0.
Ciyaaryahan Charles ayaa ka dhaliyey labada gool ee Madrid daaqada ka saaray , labadii qaybood ee ciyaarta midba hal gool.

Barcelona ateltico madrid  loseKooxda tababare Carlo Ancelotti ayaa u dhutinayay maqnaanshaha afarta halbowle ee Ronaldo, Bale, Di Maria iyo Benzema, in kastoo labada goolba ay khaladku ka yimid dhinacooda , kuwaas oo ay fursadaha goolasha ku noqday ee laga faa’iidaystay midna lagala baxay Sergio Ramos ka kalana laga helay khalad uu gallay Xabi Alonso.

Dhinaca kale Kooxda Barcelona ayaa dhaafi kari wayday naadiga Elche oo ay marti ugu ahayd garoonkooda, ciyaartaas oo ku dhamaatay 0-0 , waxay Barca ku weyday fursad ay barbaro ay la gasho Atletico kaga qaadi lahayd horyaalka.

Kooxda Ugu nasiibka darnayd caawa ayaa ahayd naadiga Atletico Madrid oo haddii ay caawa badin lahayd si toos ah ugu guulaysan lahayd horyaalka, maadaama laga hakiyey Barcelona oo cidhiidhi ku haysay.

Atletico Madrid ayaa gool barbaro ah la timid qaybtii dambe ee ciyaarta , kulan ay garoonkeeda marti ugu ahayd kooxda Malaga, kaas oo ku dhamaaday 1-1 barbaro ah.

Horyaalka La Liga ayaa todobaadka dambe guushiisu ku xidhan tahay , horyaalkan oo imika dhex yaala kaliya Atletico Madrid oo 89 dhibcood iyo Barcelona oo 86 dhibcood ku daba fadhida.

Ciyaarta ugu dambeysa ee go’aamin doonta cida hananaysa Horyaalka La Liga ayaa Todobaadka dambe , maalinta Xoriyada dabaal dega Somaliland ee 18 May ku dhex mari doonta garoonka Nou Camp ee magaalada Barcelona.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Daawo Sawiradii Xaflada Dabaal-degga Manchester City

Hadalladii Xamaasadda iyo Niyad Jabka ahaa ee laga soo xigtay Atletico Madrid markii ay dhamaatay ciyaartii Malaga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com