8:58 am - Monday May 29, 2017

Mala Samayn Karaa Mordic Cusub? – Hadda Ogow

Abdiwahab Ahmed

modric

Waxyaabo badan ayey wadaagaan, laakiin ciyaartoodu isku heer ma taagna, da’dooda iyo awooddooduna way kala duwan tahay. Laakiin Real Madrid, waxay doonaysaa in ay ka dhigto isku hal ciyaartoy oo marka uu mid maqan yahay uu ka kale booskiisa buuxiyo, iyadoo farqiga kaliya ee u dhexeeyaa yahay magaca, balse kubbad ahaan, dal ahaan iyo midabkaba ay isku mid noqdaan.

Labada ciyaartoy waa isku waddan, Luka Modric waxa uu ka ciyaaraa khadka dhexe, laakiin Mateo Kovacic oo da’ ahaan ka yar, laakiin ay isku boos ka ciyaaraan, isku waddanna yihiin, ayey Real Madrid u aragtaa in uu yahay beddelka saxda ah ama Modric cusub.

Luka Modric da’diisu waa 31 jir, la’aantiina kooxdu awood badan ma laha, laakiin ciyaartii u dambaysay ee Sabtidii waxa uu Kovacic muujiyey in uu yahay ciyaartoy awood badan leh oo inkasta oo uu yahay 22 jir kaliya, haddana qaabka ciyaartiisu ay ku dhow dahay Modric.

Kulankii Sabtidii ee Real Betis, waxa uu Kovacic ka mid ahaa rukumada khadka dhexe ee Madrid, laba kubbadood oo uu ka shaqeeyeyna waxay ku dhamaadeen gool.

Xili ciyaareedkii hore wakhti badan ma helin, kaliya 8 ciyaarood ayuu garoonka soo galay, waxaase uu kalsooni iyo saaxiibtinimo badan ka helay ciyaartooyo ka soo kala jeeda waddamo kala duwan, balse si gaar ah waxay isugu dhow yihiin Modric, Dani Carvajal iyo Raphael Varane.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland oo Ku Dhawaaqay Isku Aadka Wareega Labaad ee Tartanka Kubadda Cagta Ciyaaraha Gobolada 2016 oo Dhammeystiran

Claudio Bravo Oo Waraysi Xiiso badan kaga hadlay Ciyaarta Barca vs Man City iyo Waajahaadda Messi, Suarez iyo Neymar

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com