8:59 pm - Monday January 22, 2018

‘Malaha Qalbi-cammo ayuu qabaa’: – Conte Oo Ka Jawaabay Aflagaadadii Mourinho

110 Viewed Aidarous Comments Off on ‘Malaha Qalbi-cammo ayuu qabaa’: – Conte Oo Ka Jawaabay Aflagaadadii Mourinho

Tabobaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte ayaa weerar toos ah ku qaaday dhigiisa Manchester United, Jose Mourinho, isagoo carabka ku adkeeyey in macalinka kooxda shayaadiinta dharka cas lihi uu qabo xanuunka “Qalbi-camada” – taas oo jawaab u ah weedhihii Mourinho uu ku sifeeyey inay diilinta tabobaraha ee geggida ka yihiin sidii ‘maadeeyeyaal’ ama caruusadaha dadka ka qosliya oo kale.

Weedhaha tabobaraha reer Portugal oo si toos ah loogu fasiray inuu ula jeeday Conte iyo tabobaraha Liverpool  Jurgen Klopp, Mourinho waxaa laga guntay Khamiistii hadalkan: ‘Sababtoo ah ma lihi hab dhaqanka  sida dadka majaajiliisteyaasha oo kale markaan taaganahay diilinta tabobaraha, waxay la macno tahay inaan ahay qof waashay oo kale?’

Conte oo hadalkaas ka jawaabaya, ayaa yidhi: ‘Waxay ila tahay inay waajib ku tahay isaga inuu dib isugu fiirsado, waxa laga yaabaa inuu naftiisa uun ka hadlayo markaad eegto sidii uu u dhaqmi jiray, waa run?

‘Waxaa laga yaabaa, mararka qaar inay jiraan dad ilooba wixii ay hore u samayn jireen, amah ab-dhaqankoodii hore siduu ahaan jiray, ma aqaano waxa lagu yidhaahdo xanuunkaas, demenza senile, qalbi camo, waa marka aad ilowdo wixii aad hore u samayn jirtay.’

Carlo Cudicini, oo turjumayay hadalka Conte ee shirka jaraa’id ayaa ku doodaya in macalinku u jeeday kalmada ‘amnesia’ oo ah xanuun qofka ku dhaca oo ilowsiiya wixii uu soo maray – halka uu ka isticmaalay jumlada  ‘senile dementia’ oo ah xanuunka ku dhaca marka dadku waaweynaadaan ama Asaasaqa loo yaqaano.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wenger Oo Garoomada Laga Mamnuucay Saddex Ciyaarood

Zidane Oo Laba Sannadood Gudahood Kaga Guulo Batay Mourinho, Enrique iyo Guardiola

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com