Man City Oo Horyaalkii Aanay Waxba Ka Xigin Durdurona Ku Dhaaftay Aston Villa

Manchester City ayay 90 daqiiqo oo kali ahi ka xigaan dabaal deggii horyaalka Priemier League kadib marii ay sida roobka ugu da’day kooxda Aston Villa kagana adkaatay 4-0 caawa.

Wallow aanay u suurto gallin City inay goolal la timaado qaybtii hore ee ciyaarta , hadana la isu soo noqday , laba gool oo uu bilowgiiba shabaqa dhigay weeraryahan Edin Dzeko ayaa u muujiyey ifafaalo muujinaya guul ay ka gaadho Villa, ka hor intii aanay laba gool oo kale u raacinin , guushana saxeex cad ugu duugin , wiilasha Stevan Jovetic iyo Yaya Toure kuwaas oo ka dhigay ciyaarti mid ay Manchester City si fudud, macno weyna ku fadhida ay ugaga badiso 4-0 Aston Villa.

Guushan ayaa ka dhigaysa City mid barbar dhac kaliya uu uga dhiman yahay dabaal dega guusha weyn ee cumaamada Horyaalka The Priemier League ee sanadkan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rajadii Madrid ee Horyaalka Oo Ay Burburisay Valladolid

Pedro " Barcelona Fursad Kale ayaa u soo gashay

Pedro: ‘Saamaxaad Maleh’ Barcelona Hadii Ay Lumiso Fursadan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com