Man City Wey I Bah-Dishay :- Manuel Pellegrini

Tababaraha kooxda Manchester City, Manuel Pellegrini ayaa dusha saartay dhamaan eeda ay leedahay guuldaradii kooxdiisa ka qabsatay United, wuxuuse iska diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa tababarenimo ee naadiga oo wax laga weydiiyey.Manuel Pellegrini 1
United ayaa ku tuntay 4-2 ciyaartii derbiga ahayd ee City ku dhex martay geggida Old Trafford, taas oo geyeysiisay Man City guuldaradii lixaad ee siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay yeelatay.

Pellegrini, oo 61, jir ah kana hadlaya ciyaarta kadib ayaa yidhi: “Waa masuuliyadayda , arinta kaliya ee aanu wax kaga bedeli karno xaaladanina waa inaanu ciyaaraha dambe oo dhan guulaysano.
“Kama hadlayo wax khuseeya shaqadayda. Maaha muhiim.”

City oo ku guuleysatay horyaalkii u dambeeyey ee Premier League ah sanadkii tagay, ayaa bishii aynu soo dhaafnay ee January ay isku dhibco ahaayeen Chelsea, iyagoo ka sareeyey United, Sagaal dhibcood.City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 10

Laakiin hadda waxay afar dhibcood ka dambeysaa Man United, waxaanay fadhidaa kaalinta Afraad iyadoo u dhaw inay seegto ama laga saaro booska ay ku gelli lahayd sanadka dambe horyaalka Yurub ee Champions League.

Pellegrini wuxuu intaas ku daray: “Jidka kaliya ee aan ku sifayn karo safarkayagii waa inaanan haysan dhibcihii. Dhibco badan ayaanu iska khasaarinay, maaha ciyaartan United oo kaliya taas oo ahayd mid adag, laakiin kuwo kale oo badan ayaan luminay.

“Waxaanu si fiican u ciyaarnay 20 kii daqiiqo ee ugu horeeyey, laakiin waa inaanaan 20 ka daqiiqo ee u horeeya uun si fiican u ciyaarin e waa inaanu ciyaarta oo dhan u ciyaarnaa si wanaagsan.City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday

“Ma garanayo sababta kooxdaydu bilowga ciyaarta uun si fiican ugu ciyaarayso, waanu bah dilay intii hore oo ciyaarta anaka ayaa haysanay, laakiin markii 1-1 ciyaartu socotay, United waxay bilowday inay koritaan samayso, goolkii saddexaadna wuxuu siiyey kalsooni aanay markii hore haysanin.

“Ciyaarta waanu danaynaynay, laakiin imika waa inaanu isku daynaa sidii aanu guul u gaadhi lahayn ciyaarta xigta ee West Ham. Sanadka oo dhan koobaad ama labaad ayaanu ku soo jirnay, imika afraad ayaan fadhinaa, laakiin United iyo Arsenal waxaa u hadhay Chelsea. 18 dhibcood ayaana noo hadhay ciyaarohooda. waa inaanaan berdaraynin ama iska lumin.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

AC Milan Oo Dhibic Dirqi Ah Ka Boobtay Sampdoria – Video

Somaliland: Maxaa Ka Jira In Ay Ka Qayb Gelayso Koobka Afrika?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com