7:31 pm - Friday August 18, 2017

Man.United Oo bartilmaameedkeeda 1-aad ka dhigan doonta Antonio Conte

Khadar Dirir

Red Devils ayaa la filaa inay xagaaga ku dhawaaqdo macallinkii rasmi ahaan qaban lahaa shaqada tababarenimo ee kooxda, kadib go’aankii salaasadii  la soo dhaafay ay shaqadii tababarenimo ka eriday  Moyes, markii wax ka yar 10 bilood uu maamulayay kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford.

Sidoo kale shaqada kooxdan ayaa waxaa si weyn loola xidhiidhinayay inuu qaban doono macallinka xulka qaranka Netherland Louis van Gaal, iyadoo warbaahin caalam ay baahisay in van Gaal u soo duuli doono Old Trafford, balse sida ay qortay Daily Telegraph kooxda United ayaa dooneysa inay weecato isla markaana bartilmaameedkeeda kowaad ka dhigato macallinkan u dhashay dalka Talyaaniga.

44-jirkan ayaa qandaraaska uu kula jiro Juventus wuxuu ku eg yahay dhamaadka 2015-ka, waxaana la aaminsan yahay inuu ka mid yahay liiska macallimiinta ay diiwaan geshatay kooxda United.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Tigidhada final-ka Coppa Italia Oo ku dhow in la dhamaysto! 

Juventus oo isu diyaarinaysa in ay la soo wareegto sanches

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: