Man United Oo Jab Iyo Hoog Kala Kulantay Newcastle, Foolxumadii Pogba Iyo Qaab-ciyaareedkiisii Carruurta

Kooxda kubadda cagta Newcastle ayaa gaadhay guusheedii ugu horreysay ee garoonkeeda ay ku hantido tan iyo bishii October ee sannadkii hore.

Newcastle United ayaa garoonkeeda St James’ Park ku martigelisay Manchester United, halkaas oo ay kooxda tababare Mourinho khasaarisay fursado badan, isla markaana 1-0 khasaare ah ay shadaadiinta dharka cas kula noqdeen magaaladoodii Manchester.

Tababare Jose Mourinho ayaa garoonka kusoo galay shax ay hoggaaminayaan Sanchez iyo Pogba, hase yeeshee, waxa laga qabsaday khadka dhexe oo laacibka madow ee reer France ee Pogba uu kusoo bandhigay mid ka mid ah ciyaarihii ugu liitay ee abid laga arkay, taas oo falanqeeyeyaasha ciyaartu ay ku tilmaameen inuu sida ciyaal iskuulka u ciyaarayo, amaba ay fiicnaan lahayn in uu garoonka ka maqnaado, halkaas oo ay tibaaxeen inay ceeb weyn uga soo hoyatay.

Ciyaartan oo ay daawanayeen dad ka badan 52 kun oo qof oo garoonka fadhiyey ayaa waxa Newcastle ay farxadda goolkeeda guusha heshay daqiiqaddii 65aad ee qaybta labaad, waxaana ay ku dhamaatay ciyaartu 1-0 ay Newcastle casaanka kaga baxday.

Manchester United waxay guul darradan ku weyday saddex dhibcood oo fursadda usii dheereeyey Man City oo hoggaanka ku qabatay 15 dhibcood oo saafi ah, halka Newcastle ay yeelatay 28 dhibcood oo ay casaanka kaga soo baxday.

United waxay haysataa 56 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka sarraysaa Liverpool oo 2-0 ku carraabisay Southampton.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.