Man United Oo Xaraashaysa Van Persie Iyo Cavani Oo Ku sii jeeda Old Trafford

Manchester United ayaa dooneysa in ay bisha June xaraashto weeraryahanka reer Holland ee Robin van Persie kaas oo ay daashadeen dhaawacyo soo noqnoqday iyo qaab ciyaareedkiisa oo qancin waayey tababare Louis van Gaal.

Sida uu qoray wargeyska Daily Star, tababare van Gaal ayaan la dhacsanayn qaab ciyaareedka weeraryahankan kaas oo marka uu garoomada ku soo laabtaba uu dhaawac kale haleelayo.

Van Persie oo ay da’diisu tahay 31 jir, ayaa toddobaadkasta waxa uu mushahar uga qaataa Manchester United lacag dhan €270,000, taas oo marka la eego wax-qabadkiisa aanu u qalmin.

Manchester United ayaa haddii ay u hesho dalab wanaagsaniyo lacag suurtogal ah in laga siisto Van Persie waxay u dhaqaaqi doontaa in ay PSG ka soo iibsato weeraryahanka Edinson Cavani kaas oo la hadal hayo in uu damacsan yahay in uu kooxdiisa ka digo-rogto.

Manchester United ayaa u baahan weeraryahan awood badan oo goolal u dhaliya, iyadoo labada laacib ee lambarka 9 u taagan ee Van Persie iyo Falcoa ay dhaawacyo iyo qaab ciyaareed liita ay hoos u dhigeen adeeggii ay kooxda u hayeen.

Heshiiska uu Van Persie kula jiro Manchester United ayaa dhamaanaya dhamaadka xili-ciyaareedka 2015-2016, waxaanay Manchester dooneysaa in ay iibiso ka hor inta aanu wakhtigiisu dhamaanin.z

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid: Taageereyaasha Oo U Codeeyey In la fadhiisiyo Bale

Arsenal Oo Qarka U Saaran Weeraryahanka Higuain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com