10:07 am - Wednesday June 28, 2017

Manchester City iyo 8 Naadi Oo Kale Oo Uefa Ganaax Saartay

Aidarous

Kooxda Haysata horyaalka Ingiriiska ee Manchester City ayaa aqbashay  ganaax ciqaabeed  uu saaray xidhiidhka kubada cagta Yurub ee UEFA, kadib markii lagu eedeeyey inay si baal marsan sharciga u yaala naadiyada Yurub ay ugu tagrifashay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada.

Uefa ayaa ku xukuntay Manchester City  inay bixiso €60 million [£49m] by Uefa , isla markaana ay xadido oo tiro go’an oo 21 ciyaaryahan oo kali ah kaga soo qayb gasho tartanka xili ciyaareedka dambe ee Yurub (Champions League).

Sida ay isku af garteen naadiga iyo xidhiidhka UEFA, Lacagta lagu ganaaxay naadiga ee €60 million ah (lixdan million oo lacagta Ingiriiska ah) , ayaan kooxda laga wada qaadi doonin , eeqayb kamid ah loo hayn doonaa, taas oo dhan Afartan Million  €40m [£32.5m], oo kooxda loo celin doono haddii ay sharciga waafaqdo  tartanka xili ciyaareedka dambe.

Waxa kale oo ay labada dhinac isku raaceen in la yareeyo xidigaha ay la soo wareegayso City labada xili ciyaareed ee soo socda.

Waxa sidoo kale naadiyada, Paris Saint-Germain, Zenit St Petersburg, Rubin Kazan, Anzhi Makhachkala, Galatasaray, Bursaspor, Trabzonspor iyo Levski Sofia ayaa dhamaantood si la mid ah sida Manchester city , Uefa ganaaxyo kala duwan ku saartay , jabinta sharciga iyo nidaamka u dajisan horyaalada Yurub.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Messi Oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Ka Dhigaya Ciyaaryahanka Ugu Mushaharka Badan Dunida

“Telefoonkiisii Ma Qabanayee Sideen Ugu Yeedhaa” Taarabt Oo Xulka Marroco Laga Reebay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: