Manchester City Oo Ciyaarsiisay Arsenal Iyo Unai Emerey Oo Premier League Waji Gabax Ku Bilawday

Manchester City, kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League, waxay guul muhiim ah ay ka heshay dhigeeda Arsenal, kulanka furitaanka horyaalka Premier League.

Kulankaan oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday 2-0 oo lagu dubtay naadiga Gunners-ka, kuwaasoo lagu dheelayay garoonkooda. Emirates.

Soccer Football - Premier League - Arsenal v Manchester City - Emirates Stadium, London, Britain - August 12, 2018 Manchester City???s Raheem Sterling celebrates with Sergio Aguero after scoring their first goal REUTERS/Eddie Keogh EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details.

Ciyaartoyda lagu kala magacaabo Raheem Sterling iyo waliba Bernardo Silva ayaa kala dhaliyay goolasha labadda qeybood ee kulankaan xiisaha goonida ah lahaa.

Goolka uu dhaliyay Sterling oo yimid qaybta koowaad waxa uu ahaa mid qurux badan, isaga oo soo dar-daray qaar kamid ah ciyaartoyda daafaca ee Gunners-ka.

Inta uu socday kulankaan ma jirin ciyaaryahan loo taagay kaarka gaduudan, inkasta oo ay jireen ciyaaryahano, kuwaasoo loo taagay  kaararka Jaalaha ah.

Ugu dambeyn, kulanduka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday 2-0 oo lagu dubtay naadiga Arsenal, kuwaaso fursado badan oo goolal noqon karay iska lumiyay.

Guushaan waxay Sky Blues siinaysaa inay min saddex dhibcood la wadaagaan kooxo dhowr ah, kuwaasoo Liijaanka uhayso Liverpool oo farqiga goolasha Fiidda sarre ku fadhisa.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.