1:28 pm - Wednesday June 28, 2017

Manchester City Oo Kaalinta Labaad Si Ku Meel Gaadh Ah U Fadhiisatay Iyo Chelsea Oo Karbaash Ku Dhacay

Aidarous

Man City Oo Ku Tumatay HullInkastoo uu Vicent Kompany casaan qaatay markii ciyaartu socotay 10 daqiiqo oo qudha , hadana taasi ma noqon mid Manchester City ka hor istaagta inay guul wax ku ool ah ka gaadho Hull city oo Marti ay ugu ahayd Gurigeeda shallay, laakiin kooxda Kaalinta koowaad haysata horyaalka Ingiriiska ee Chelsea aya iyada guuldaro 1-0 ah kala carawday Villa park.
Goolal ay kala dhaliyeen David Silva iyo Edin Dzeko ayaa ugu filaaday City inay 2-0 ku dhaafto Hull City , guushaas oo u suuro gallisay City inay ku boodo kaalinta Labaad ee horyaalka Ingiriiska , iyadoo waliba sidaas ay u dhiman yihiin Saddex ciyaarood oo kooxda kaalinta koowaad ee Chelsea ciyaartay.
Difaacyahan Kompany ayaa khalad ka gallay weeraryahanka Hull City oo aan cidi goolka ka xigin , daqiiqadii 10 aad ee ciyaarta , garsooruhuna digniin la’aan kaga saaray garoonka , oo casaan toos ah siiyey.
Kooxda Manchester City ayaa kaalinta labaad ku haysa 60 dhibcood iyo 27 ciyaarood , waxaanay 6 dhibcood ka hoosaysaa Chelsea oo ciyaartay 30 kulan, kulankeedii ugu dambeeyey ee shallayna ay ka adkaatay kooxda Aston Villa.
Waxase kaalinta labaad isku haysta oo soo afjari doona wakhtiga kumeel gaadhka ah ee ay City ku joogto labaad, kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo ciyaaraya Berri kulamo aad u adag.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Rivaldo Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciyaaraha Ka Fadhiistay

Ibrahimovic Oo Ku Galgashay Madbakha Kooxda PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: