5:41 pm - Thursday July 27, 2017

Manchester City Oo Ku Guulaysatay Priemier League Iyo Barroortii Liverpool

Aidarous

Naadiga Manchester City ayaa hantiyey oo loo cumaamaday naadiga horyaalka wadanka Ingiriiska ee xili ciyaareedka 2003/2004, kadib markii ay gallabta kulankii ugu dambeeyey ee go’aaminayay cida noqonaysa horyaalka sanadka ay kaga adkaadeen 2-0 Westham United.

Naadiga Manuel Pellegrini ayaa horyaalka loo caleemo saaray kuna qaaday rikoodh gool dhallin ah oo sare.
Gool uu qaybtii hore ee ciyaarta uu u dhaliyey Samir Nasri iyo mid uu shabaqa dhigay Kompany ayaa u suurto galliyey inay hantiyaan horyaalka sanadka oo ay kula hirdamayeen Liverpool oo iyana dhinaceeda ka adkaatay Newcastle United 2-1, una baahnayd kaliya in loo qabto oo laga guulaysto City.

Liverpool ayaa fursada kaliya ee u banaanayd si ay horyaalka u hantido uu ahaa in Man City dhinaceeda dhulka la dhigo, iyadu ay guul gaadho.

In kasta oo ay ku durdurisay Newcastle, oo goolka kaga horeysay hadana nasiib darro Westham- ayaa ku guuldaraysatay inay hor istaagto Manchester City.
City oo barbardhac xataa gashaa waxay ahayd hooga iyo jabka Liverpool waayo waxa laga doonayay inay dhaliso in ka badan 13 gool , kuwaas ayaana u sahlayay inay horyaalka sidaas ku qaado.

Kala Saraynta Horyaalka England ee Priemier League

Kala Saraynta Horyaalka England ee Priemier League

article-2625480-1DC03C8400000578-817_634x457 article-2625480-1DC08ECD00000578-321_634x432 article-2625480-1DC080DF00000578-594_634x421 article-2625480-1DC0314C00000578-409_634x449 article-2625480-1DC0188800000578-994_634x433 article-2625480-1DC0310000000578-825_634x405 article-2625480-1DC0491800000578-589_634x571

 

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Saxafiga ayaa sida muuqaalkan la duubay ka muuqata is moogaan u jiidhay ina Ibraahim oo haysta gacanta aabihii

(Video) Saxafi Dirqi Kaga Bad baaday Ibrahimovic oo Uu Innankiisa Yar Ismoogaan u Jiidhay

Vidic Oo Dhiiga Shalaqsaday Kulankiisii u Dambeeyey Manchester United

Related posts
Trackbacks/Pingbacks
  1. Suarez Oo Biladdii 4 aad Lagu Tollay -Ciyaaryahankii Xili Ciyaareedka- : Cadalool - 13/05/2014

    […] habaarka ku qaba gool dhallinta, ayaa u dhalliyey naadiga Liverpool , 31 gool, caawiyena ka ahaa 12 kale, 33 ciyaarood oo uu saftay horyaalka Ingiriiska ee Premier […]

  2. Mulkiilaha Man City Oo Hannaan Cusub Ugu Dabaal Degay Guushii Horyaalka Ee Kooxdiisa : Cadalool - 13/05/2014

    […] City ayaa horyaalka sanadkan ee Preimier League hanatay kadib 15 cisho oo ay hogaanka soo haysay maa… […]

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: