Manchester City Oo Old Traford Ku Dubatay Ciidankii Moyes

Manchester UnitedLaba gool oo uu shabaqa dhigay xidiga afka hore ee Edin Dzeko iyo gool uu gunaanadkii ciyaarta ugu quus gooyey Yaya Toure, ayaa xaabada ugu sii kordhiyey dabkii ku shidnaa tababare David Moyes ciyaartii xallay ee Garoonka Old Traford ay guuldarada yaabka leh ku baday wiilashii shayaadiinta dharka cas leh.

Naadiga Tababare Manuel Pallegrini ayaa gool kaga nixiyey United daqiiqadii ugu horeysay ee ciyaartaba, taas oo biyo qabow ku shubtay dar-dar kasta oo ay la iman lahaayeen ciyaaryahanada naadiga tababare Moyes , waxaana u xigay goolkii labaad oo uu isla Dzeko u dhalliyey City markii ay ciyaartu wax yar uun socotay qaybtii labaad,

Waxaana ciqaabta ku sii kordhiyey oo niyad jabkii ugu weynaa ku riday goolkii gunaanadka oo uu daqiiqadihii lagu daray ciyaarta ka dhaliyey laacibka Yaya Toure, ciyaartuna sidaas ay 0-3 , guushu ugu raacday xidigaha naadiga Manchester City.

Britain Soccer Premier LeagueKooxda Manchester United ayay guuldaradaasi ka dhigaysaa mid ka kici kari weyday kaalintii todobaad ee ay beryahanba iska fadhiday , halka Manchester City ay u soo ruqaansatay kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska ee Priemiership ka .

Waxaana maalinba maalinta ka dambeysa god ku sii dhacaysa rajadii United ee u soo bixida horyaalka Champions League ee sanadka Dambe.