Manchester City Oo Shaacisay Dakhligii Iyo Faa’iidadii Ugu Badnaa Oo Soo Gashay Iyo Hal Caqabad Oo Ay Ka Gudubtay

Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Manchester City, Khaldoon Al Mubarak ayaa shaaciyey dakhligii ugu badnaa ee kooxda soo gala, kaas oo ay la socoto faa’iido dhan 10 milyan iyo badh Gini.

Dakhli sannadeedkii Manchester City ee xili ciyaareedkii tegay ayaa waxa uu jebiyey caqabaddii adkayd ee ahayd in uu muddo dheer gaadhi kari waayey 500 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa warbixinta dhaqaale ee hadda ay kooxdu shaacisay ay afka ka xidhay tiradaas, halkaas oo ay ku xidhantay caqbaaddaasi.

Dakhliga City soo galay ayaa dhan 500 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa uu 52% ku baxay mushaharooyinka ciyaartooyada iyo shaqaalaha kale ee garoonka iyo kooxdaba, waxaana faa’iido uga ah oo kaliya 10.4 milyan Gini.

Warbixintan dhaqaale ayaa soo baxday afar bilood kaddib mmarkii ay Manchester City ku guuleysatay horyaalka Premier League iyadoo 19 dhibcood ka horreysay kooxdii kaalinta labaad ee Man United.

Muddo toban sannadood ah, Man City waxay samaysay koboc dhaqaale oo cajiib ah, laakiin waxa sababteeda leh mulkiilaha Sheikh Mansour oo lacag badan geliyey.

Xili ciyaareedkii 2007-08, dakhliga soo galay waxa uu ahaa £104m milyan, waxaanay ka dhaqaale liidatay naadiga reer Turkey ee Fenerbahce, hase yeeshee hadda waxa kaliya oo ka dakhli badan kooxaha Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester United.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.