Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha Chelsea

Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha ChelseaManchester City ayaa rikoodh dhigtay ah guushii ugu weynayd ee horyaalka Premier League ay gaadho xili ciyaareedkan kadib markii ay ka takhalustay Newcastle kuna soo koobtay shan dhibcihii ay Chelsea hogaanka horyaalka ku haysay.Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha Chelsea 1
David Silva ayaa laba gool oo daran doori ah is raaciyey kuwaas oo u saamaxay kooxda horyaalkii u dambeeyey haysata inay ka faa’iidaysato fursadii Burnley ee barbar dhaca ciyaartii Stamford Bridge.

Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha Chelsea 2
Iyadoo uu ka dhex muuqdo Yaya Toure oo ka soo noqday ciyaarihii koobka Afrika, kaydkana uu ku bilowday weeraryahanka ay imika uun siisatay £25m ee Wilfried Bony , City waxay ku bilowday ciyaarta dardar iyo degdeg aan lagu arkin in dhawayd.

Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha Chelsea 3
Sergio Aguero ayaa ugu horeynba gool rigoodhe ah ku aftaxay bilowgii ciyaartaba, waxaana mid labaad raaciyey Samir Nasri ka hor intii aanu gool saddexaad ku soo afjarin Edin Dzeko qaybtii hore ee ciyaarta.

Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha Chelsea 4
Kooxda New Castle ayaa awood isu soo yeeshay qaybtii labaad laakiin hadana waxaa ka nixiyey labadii gool ee degdega ahaa ee uu daqiiqadaha gudohood kaga xareeyey laacibka khadka dhexe ee reer Spain David Silva daqiiqadihii 50 aad iyo 52 aad ee qaybta dambe.
5-0 ayayna City ku dirtay New Castle United oo aan la garanayn wax si ka ahaa , waxaanay 5 dhibcood soo daba fadhiisanaysaa Chelsea oo iyadu barbaro 1-1 ah Stamford Bridge kula gashay naadiga Burnley.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Mourinho Criticizes fers on Hazard: Hala Ilaaliyo Hazard

‘We forgot to score’ – Van Gaal Muxuu Ka Yidhi Guuldarada Swansea

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com