Manchester City Oo Wada Hadallo La Bilowday Guardiola

pep guardiola oo arimo xasaasi ah ka hadlayKooxda kubadda cagta Manchester City ayaa wada hadallo la bilowday tababaraha kooxda Bayern Munich, Pep Guardiola.

Manchester City ayaa dooneysa in tababarahan khabiirka ah ay ka soo afduubato kooxda Bayern Munich oo uu macallin u ahaa labadii sannadood ee u dambeeyey, waxaanay City diyaarisay heshiis uu ku xoogsan doono lacag badan.

Kooxaha Ingiriiska ah ee Manchester City ayaan ku faraxsanayn tababaraheeda wakhtigan Manuel Pellegrini kaas oo guul darrooyin waaweyni ka soo gaadheen Champions League, isla markaana tahli kari waayey in kooxdiisa lacagta badani ku baxday ay meel fiican ka gaadho tartanka Champions League.

Sida uu qoray Tuttosport, waxa ay City dooneysaa in uu Guardiola beddel u noqdo Pellegrini.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tevez: Goolkii Pirlo Oo Kale Ayaan Ka Dhaliyey Roma

Cricket World Cup 2015: South Africa Oo Karbaashtay Ireland

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com