Manchester City Oo Xalay Saqdii Dhexe U Duushay Imaaraadka Carabta

Manchester City ayaa si toos ah ugu soo duushay magalaada Abu Dhabi  ee waddanka Imaaraadka Carabta kaddib markii ay guul kasoo hooyeen ciyaartii Stoke City.

Man City oo garoon tababar loogu diyaariyey magaalada Abu Dhabi ayaa saqdii dhexe ee xalay kasoo duulay magaalada Manchester, halkaas oo diyaarad khaas ah ay kasoo qaadday.

City ayaa joogi dooonta magaalada Abi Dhabi muddo 5 maalmood ah oo ka mid ah 18 maalmood ah oo fasax ay ku jiri doonto, maadaama toddobaadka soo socda la ciyaarayo tartanka FA Cup oo ay Wigan ka reebtay, toddobaadka xigana ay dhamaan horyaalladu fasax gelayaan isla markaana ay dalalka dunidu ama ciyaaro caalami ah oo saaxiibtinimo ay xulalka dhex mari doonaan.

Magaalada Abu Dhabi oo ah xarunta mulkiileyaasha Manchester City ay deggan yihiin ayaa ay ku qaadan doonaan wakhti maalmo kooban ah oo iskugu jiri doona tababar, booqasho iyo dalxiis, kaddibna waxay u duuli doonaan waddanka Ingiriiska markaas oo ciyaaryahannada qaarkood ay usii dhaafi doonaan dalalkooda oo ay u ciyaari doonaan qaramadooda.

Tababare Pep Guardiola oo la weydiiyey sababta ay u tegayaan Bariga Dhexe ayaa waxa uu sheegay in 10-kii bilood ee u dambeeyey ay ku sugnaayeen Ingiriiska oo uu ka dhacayey qabow daran iyo cimillo aan wanaagsanayn, sidaas daraadeedna ay maalmo kooban tegayaan Imaaraadka oo jewi kulul ka jiro.