3:03 pm - Tuesday August 23, 5555

Manchester: Mourinho Oo Sharraxay Sababta Ciyaartoygiisu Dharkooda Usiiyeen Taageereyaasha

Abdiwahab Ahmed

Tababare Jose Mourinho ayaa faahfaahin ka bixiyey sababtii ay ciyaartooyada Manchester United u saareen garamadooda ee ay taageereyaasha ugu tuureen markii ay dhamaatay ciyaartii ay guusha ka gaadheen ee West Brom.

Mourinho ayaa tibaaxay in uu ciyaartooyadiisa amar ku siiyey inay funaanadahooda siibaan oo ay taageereryaasha siiyaan, taas oo ujeedaddeedu ahayd CIIDA Gaalada oo soo dhow inay kula damaashaadaan.

“Aniga ayaa amray inay sidaas sameeyaan, waayo waa wakhtigii Christmas. Marka aad taageere maalin walba garoonka yimaadda aad siiso funaanad dhididku ku yaallo, wax weyn ayay u tahay.” Sidaas ayuu yidhi tababare Jose Mourinho.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Ciyaartoygu waxay haystaan garamo kale oo haddii ay doonaan ay taageere kale siinayaan ama saaxiibkood ama ay ka beddelanayaan saaxiibbadooda West Brom Albiol, taageereyaashan macno badan ayey u samaysaa, wayna fiicnaan lahayd in qof walba uu mid helo.”

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Guardiola Waa Maxbuus’ – Glenn Hoddle

Real Madrid Oo Ku Guuleystay Koobka Naadiyada Dunida

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: