Herrera & Rooney oo United dhaafiyey City kaalinta 3 aad-na fadhiisiyey

united oo aston villa xasuqday 1Gool lala yaabay quruxdiisa oo uu u dhaliyey Kabtan Wayne Rooney iyo laba gool oo uu u saxeexay Ander Herrera ayaa u xaqiijiyey kooxda Manchester United guul qiimo badan oo ay ku gaadhay garoonkeeda Old Trafford si ku meel gaadh ahna ugu fadhiisatay kaalinta saddexaad ee kala saraynta horyaalka England.united oo aston villa xasuqday 2

Rooney ayaa lugta bidix ku dejiyey kubad uu soo jebiyey ciyaaryahanka bedelka ku soo gallay kulanka ee Angel Di Maria, iyadoo aan dhulka ku dhicina toogtay giftinta birta iyo shabaqu iska gallan ee ‘180 degree ah’ taas oo uu haaban kari waayay goolwade Brad Guzan, lana odhan karo wuxuu ahaa goolkii ugu quruxda badnaa shaki la’aan ee xili ciyaareedkan dhasha.united oo aston villa xasuqday 3

kooxda tababare Louis van Gaal waxaa ka hor kubada Rooney gool dhalinta u daah furay ciyaaryahan Ander Herrera, waxaana u labeeyey Weyne.
Aston Villa ayaa la timid goolka madiga ah ee ay ciyaarta ka dhalisay kaas oo u saxeexay Christian Benteke , kubad ka dhalatay khalad uu sameeyey goolwade David de Gea.united oo aston villa xasuqday

Herrera ayaana goolka saddexaad u raaciyey dhamaadkii ciyaarta , United 3 da dhibcood ku heshay guusha 3-1 ka ah ee ay ka gaadhay Aston Villa.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Roma Oo 3 Dhibcood Oo Muhiim Ah Ka Boobtay Napoli

Arsenal 4-1 Liverpool: Reds oo gabbal baasi u dumay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com